Fahad Yaasiin oo dacwad u gudbiyey maxkamadda sare si uu u helo kursigii musuqmaasuqa uu ugu soo baxay

 

fahad yasiin oo bilaabey in uu maro wada walbo oo uu ku kori lahaay H086

Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasin Xaaji Daahir ayaa dacwad ka dhan ah guddiga doorashooyinka ee Fesderaal ee FEIT u gudbiyey Maxkamadda Sare ee dalka sida ay caddeynayaan Documentiyo la helay

Sida ku cad warqadda dacwadda, Fahad Yaasiin ayaa FEIT ku eedeyay inay si aan sharciga waafaqsanayn ay u celiyeen kursigiisa HOP 086 oo dhawaan loogu soo doortay magaalada Baladweyne.

Taliyihii hore ee NISA ayaa qabsaday qareen, wuxuuna doonayaa in maxkamadda sare ee dalka ay go’aan ka gaadho kursiga loo doortay ee HOP 086 , kaasi oo  si gaar ah uu ugu dhegan yahay raysal wasaare rooble.

Magaca Fahad Yaasiin ee loo gudbiyay guddiga doorashada ayaa ah Fahad Axmed Taher, waana sida ku cad baasaboorka Kenya, taasoo ka dhigan inuu ku xadgudbay sharciga isagoo heysta dhalasho ajnabi ah wayo qof baasaboor ajnabi wato doorasho magalikaro waan sababta lagu haysto

Khubarada dhanka sharciga ah ee Soomaaliya ayaa ku doodaya in Maxkamadda Sare ee Soomaaliya aysan wax door ah iyo awood u lahayn in ay soo faragaliso oo ay ka garnaqdo khilaafaadka doorashada iyo baabi’inta go’aannada guddiga doorashada si waafaqsan heshiisyada doorashada ee ay ansixiyeen Golaha Wadatashiga Qaran

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Maamul Goboleedyada) iyo ay ansixiyeen Baarlamaankii hore ee Soomaaliya dacwada fahad waxa ay u muuqataa mid ku soo noqon doonto isaga

Sida ku cad heshiisyada doorashada ee ay ansixiyeen golaha wada tashiga qaranku, guddida xalinta khilaafaadka doorashada ayaa u xilsaaran go’aan ka gaadhista kuraasta lagu muransan yahay, halka golaha wada tashiga iyo toosinta qarankuna uu yahay marjaca go’aanka ugu dambeeya ee khilaafka doorashada 

waxaan ka digi qorshaha uu Fahad Yaasiin ku doonayo inuu ku galo baarlamaanka, kadibna uu ku guuleysto kursiga guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka qorshahaa waxa uu halis ku yahay qaran nimada dalka iyo sii jiritaanka soomaaliya


Fahad iyo Farmaajo in ay talada dalka sii hayaan ayaa khatar ku ah amniga iyo xasiloonida Soomaaliya. waa in aan loo ugolaan cid kasto oo wadato baasaboor ajnabi ah in ay tartanto barlamaanka waana sida uu qabo shuruucda dalka

Hadaba Maxaa Fahad Yasin gaarsiiyay inuu sharciga usoo laabto maxaase ku hoos duugan dacwaddiisa

 



Post a Comment

0 Comments