Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ayaa si adag u dhaleeceeyay tallaabooyinka amni ee ka horreeyay bannaanbax nabadeed oo la qorsheeyay, iyaga oo ku eedeeyay dowladda Federaalka inay jabisay heshiisyo hore, isla markaana adeegsatay awood ciidan oo xad-dhaaf ah
Hadallo is-daba joog ah oo ay jeediyeen Madaxweynihii hore
Hadallo is-daba joog ah oo ay jeediyeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa lagu soo bandhigay cabashooyin xooggan oo ku saabsan sida ay dowladda ugu balan baxday Mucaaradka inay ku banaanbaxaan Garoonka Engineer Yariisow
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in bannaanbax
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in bannaanbax nabadeed oo loo qorsheeyay in lagu qabto meela kala duwan oo ku yaala Caasimadda Muqdisho oo markii dambe la isla qaatay in lagu qabto goob gaar ah, in ugu dambeyn la xannibay dhaqdhaqaaqii shacabka ee soo banaanbixi lahaa
Wuxuu sheegay in dadkii ka qayb geli lahaa bannaanbaxa ay la kulmeen “jid-gooyooyin, xarig iyo jirdil,” sida uu hadalka u dhigay, isagoo xusay in qaar ka mid ah dadka la bartilmaameedsaday ay ku jireen weriyayaal iyo siyaasiyiin Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda in ay adeegsatay ciidamada amniga si ay u xakameyso isu soo baxa
Taas oo uu ku tilmaamay mid dhaawaceysa xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa isna sheegay in heshiis hore oo lagu oggolaaday in bannaanbaxa lagu qabto garoonka Eng. Yarisow (Konis Stadium) uu burburay isla markaana dadka loo diiday inay gaaraan goobta qwuxuu sheegay in ciidamada amniga la dhigay waddooyinka muhiimka ah, ayna jireen xannibaado iyo xiritaanno, taas oo uu ku tilmaamay “tallaabo ka dhan ah bannaanbax nabadeed
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in xaaladdu ay keentay in dad la xiro, qaar kalena la dhaawaco, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin tirada iyo faahfaahinta dhacdooyinkaasi Dhanka kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay ixtiraamayso xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta, balse ay ka digtay isku dayo ay ku tilmaantay kuwa “carqaladeyn kara amniga iyo kala dambeynta
Ma jirto ilaa hadda jawaab faahfaahsan oo ay dowladda ka bixisay eedeymaha cusub ee mucaaradku jeediyeen Xiisadda ka dhalatay bannaanbaxan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay Muqdisho ka jirto jawi siyaasadeed oo kacsan, iyadoo ay sii kordhayaan is-marin waaga u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka ee salka ku haaya arrimaha Doorashooyinka iyo Dastuurka

0 Comments