Everton Oo Hadiyad Qaali Ah U Dirtay Arsenal, Man City Ayay U Qabatay

Arsenal iyo Man City

Kooxda Manchester City ayaa barbaro 3-3 ah

 Kooxda Manchester City ayaa barbaro 3-3 ah la gashay kooxdii ay martida u shady Ee  Everton, kulan ka tirsanaa wareegga 35-aad ee horyaalka English Premier League, kaas oo ka dhacay Hill Dickinson Stadium Manchester City waxay dhibcaheeda gaarsiisay 71 dhibcood

Iyagoo ku jira kaalinta labaad isla markaana leh

Iyagoo ku jira kaalinta labaad isla markaana leh hal kulan oo u baaqi ah, waxayna 5 dhibcood ka dambeeyaan hogaamiyeyaasha horyaalka ee Arsenal. Dhanka kale, Everton waxay gaartay 48 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta tobnaad Manchester City ayaa hoggaanka ku qabatay gool uu dhaliyay Jeremy Doku daqiiqaddii 43-aad

Caawin uu ka helay Cherki, halka Thierno Barry

Caawin uu ka helay Cherki, halka Thierno Barry uu barbareeyay Everton daqiiqaddii 68-aad, isagoo ka faa’iideystay qalad uu sameeyay daafaca City ee Guehi daqiiqaddii 73-aad, Everton ayaa dhalisay goolkii labaad iyadoo Jake O’Brien uu madax ku dhaliyay kubad koorne ah, halka Thierno Barry uu ku daray goolkii saddexaad daqiiqaddii 81-aad, caawin uu ka helay Rohl 

Daqiiqaddii 83-aad, Erling Haaland ayaa yareeyay farqiga, isagoo ka faa’iideystay kubad uu siiyay Kovacic, waxaana ugu dambeyn daqiiqaddii 90+7, Jeremy Doku uu dhaliyay goolka barbaraha isagoo ku tuuray kubad cajiib ah meel ka baxsan diilinta ganaaxa

Post a Comment

0 Comments