Ciidamada Ammaanka Muqdisho oo qabtay Mooto ay Al-Shabaab ku soo rareen Hoobiyeyaal

Ciidamada Ammaanka Muqdisho

Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda

 Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gudaha iyo daafaha degmada Deyniile ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan mooto lagu soo raray hub halis ah oo ay Al-Shabaab damacsanaayeen inay ku waxyeelleeyaan shacabka

Howlgalkan oo dhacay xilli habeenimo ah,

Howlgalkan oo dhacay xilli habeenimo ah, gaar ahaan abaaro 23:40 PM, ayaa yimid kadib markii ciidamada ay heleen xog amni oo muhiim ah, taas oo ay si weyn uga qeyb qaateen shacabka ku nool Caasimadda. Xogtaas ayaa sahashay in la daba-galo dhaqdhaqaaqa kooxda Al-Shabaab isla markaana lagu fashiliyo qorshahooda

Sida ay tebisay idaacadda Ciidanka Militariga

Sida ay tebisay idaacadda Ciidanka Militariga, Ciidamada ayaa soo qabtay mooto siday ilaa shan hoobiye oo si xeeladaysan loogu dhex qariyey jawaano qudaar ah, kuwaas oo la doonayey in si qarsoodi ah loogu soo geliyo gudaha magaalada Muqdisho Saraakiisha amniga ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay isku dayada joogtada ah ee Al-Shabaab ay ku carqaladeynayaan amniga caasimadda

Ninkii waday mootada ayaa isku dayey inuu qarxiyo gaadiidka iyo walxaha saarnaa markii uu dareemay in la qabanayo, balse ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah uga hortagay falkaas sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya hoobiyeyaasha la qabtay iyo mootadii lagu soo qariyey

Ugu dambeyn, saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa si weyn ugu mahadceliyey shacabka Muqdisho doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga, iyagoo ku booriyey inay sii xoojiyaan wada shaqeynta laamaha ammaanka si loo ciribtiro khataraha ka imaanaya Al-Shabaab

Post a Comment

0 Comments