Muxuu kusoo idlaaday Ciyaartii dhex martay Soomaaliya iyo Mauritius kulankii isreeb-reebka AFCON

Soomaaliya iyo Mauritius

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa barbaro 0-0 ah

 Xulka qaranka Soomaaliya ayaa barbaro 0-0 ah la galay dhiggiisa Mauritius kulan ka tirsanaa wareegga hore (isreeb-reebka) tartanka Koobka Qaramada Afrika (AFCON), kaas oo la ciyaaray fiidnimadii Jimcaha

Kulanka ayaa ahaa mid dhexdhexaad ah

Kulanka ayaa ahaa mid dhexdhexaad ah marka la eego tayada ciyaarta, iyadoo labada dhinacba aysan awoodin inay abuuraan fursado halis ah oo miro dhal ah. Difaacyada labada xul ayaa si wanaagsan u shaqeeyay, taas oo sababtay in ciyaartu ku dhammaato goolal la’aan

Inta badan waqtiga ciyaarta, kubaddu

Inta badan waqtiga ciyaarta, kubaddu waxay ku badnayd dhexda garoonka, iyadoo weeraryahanada labada dhinac ay la daalaa dhacayeen inay jebiyaan difaacyada adag ee la hor dhigay

Labada xul ayaa markale kulmi doona lugta labaad, halkaas oo lagu kala bixi doono kooxda u gudbaysa wareegga xiga ee isreeb-reebka AFCON ciyaartaas ayaa la filayaa inay noqoto mid aad u adag, maadaama labada dhinacba ay doonayaan inay gaaraan guul muhiim ah

Taageerayaasha Soomaaliya ayaa weli rajo ka qaba in xulkoodu uu kasoo baxo wareeggan, haddii ay muujiyaan dadaal dheeri ah kulanka soo socda

Post a Comment

0 Comments