Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Koonfur Galbeed ayaa xalay si rasmi ah u shaaciyay liiska 95 xildhibaan ee Baarlamaanka 3aad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya xildhibaannadan ayaa isla maanta lagu dhaariyay magaalada Baydhabo
Iyagoo sidoo kale isla saacadaha soo socda dooranaya
Iyagoo sidoo kale isla saacadaha soo socda dooranaya guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo maanta lasoo gabagabeynayo sidoo kale, guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed ay dhici doonto soddonka bisha Maarso, ayna maanta bilaaban doonto qabashada codsiyada musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha
Dhinaca kale, ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed
Dhinaca kale, ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa si adag uga hor yimid liiska xildhibaannada la shaaciyay, iyaga oo ku tilmaamay “wax kama jiraan ah” waxayna sheegeen in aan la aqbali doonin afhayeenka ciidanka badbaadada, Maxamed Xuseen Joon, oo warbaahinta la hadlay sheegay in liiskaasi aanu sharciyad lahayn, ayna u arkaan mid lagu kala fogeynayo shacabka Koonfur Galbeed
Wax kasta oo ka dhasha liiska la dhaariyay, jawaab cad ayaan ka bixin doonnaa,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka badbaadada Koonfur Galbeed, isaga oo fariin u diray dowladda federaalka iyo beesha caalamka wuxuu ka digay cid kasta oo ku jirta liiska xildhibaannada la dhaariyay in ay qayb ka yihiin burburka iyo dagaalka uu madaxweyne Lafta Gareen ka hurinayo magaalada Baydhabo siduu hadalka u dhigay
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu eedeeyay inuu doorashada ka socota Baydhabo ay tahay mid uu isku caana shubayo si uu kursiga ku sii joogo, xilli Dowladda Federalka Soomaaliya ay dhawaan sheegtay inuu dhamaaday muddadiisa uuna kursiga ku joogo si sharci darro ah
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka caraysan talaabooyinka uu qaadayo madaxweyne Lafta Gareen ayaa lagu eedeynayaa inay gadaal ka riixayso mucaaradka hubaysan ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo ay ku jiraan kuwa ka tirsan xukuumadda Soomaaliya
Waxaa sidoo kale muuqata in arrimaha haatan socda ay wiiqayaan dadaaaladii ay garwadeenka ka ahaayeen odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, kuwaas oo maalmo ka hor sheegay in labada dhinac ay ka aqbaleen joojinta tallaabooyinka colaadda sii hurinaya
Waa is doorate masii jogi kartaaa pic.twitter.com/rGUQza1a3i
— Somalia Today (@SomaliaToday24) March 28, 2026

0 Comments