Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadahadal
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadahadal kula jirta Dowladda Pakistan, taasoo ujeedadeedu tahay inay soo iibsato 24 diyaaradood oo JF-17 Thunder Block III ah, si loo horumariyo ciidanka cirka ee muddo xaalad burbur ah ku jiray wafdiyo heer sare ah oo ka socda Dowladda, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya
Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali (Dable Baylood),
Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali (Dable Baylood), ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Islamabad si ay uga wada hadlaan heshiiskan sida uu daabacay Wargeyska Times of Islamabad, Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in qorshahani uusan ahayn kaliya iibsi diyaaradeed, balse uu yahay iskaashi istiraatiijiyad ballaaran
Wargeyska ayaa hadalkiisa intaa raaciyay
Wargeyska ayaa hadalkiisa intaa raaciyay, in nooca diyaaradaan ay tahay jiilka 4.5-aad (4.5 generation) ee ay wada soo saareen Pakistan iyo Shiinaha, sidoo kalana ku qalabaysan radar casri ah oo AESA ah oo awood u leh ogaanshaha cadowga masaafo dheer
Diyaaradahaan ayaa sidoo kale awood u leh in ay isticmaasho gantaallo riddada dheer iyo qalab kor u qaada wacyiga duuliyaha waxaana ay awood u leedahay hawlgallo dagaal cirka ah, weerar dhulka ah, iyo taageero elektaroonik ah
Diyaaradahan ayaa Soomaaliya u fududeynaya ilaalinta xuduudaheeda hawada iyo berrigaba, iyadoo bixisa awood milatari oo casri ah isla markaana qiimo ahaan ka jaban diyaaradaha reer Galbeedka, Qiimaha halka diyaarad waxaa lagu qiyaasaa 25 ilaa $30 milyan oo doolar.

0 Comments