Waxaa goordhaw buuq iyo fowdo kusoo dhamaaday Fadhigii
Waxaa goordhaw buuq iyo fowdo kusoo dhamaaday Fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay maanta ku lahayeen xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho kulankaan ayaa ku soo dhammaaday buuq iyo is mariwaa xoogan, kadib markii Xildhibaanada mucaaradka ay ka hor yimaadeen qorshaha wax ka beddelka Shan cutub oo ka mid ah Dastuurka KMG
Iyagoona farambi iyo fowdo ku carqaladeeyay
Iyagoona farambi iyo fowdo ku carqaladeeyay kulanka guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayay ku adkaatay inuu si rasmi ah u furo kulanka, kaddib markii xildhibaano diidan ajandaha fadhiga ay kiciyeen sawaxan xooggan, waxaana taasi ay keentay in guddoonka uu si deg deg ah uga baxo xarunta Baarlamaanka
Intuu socday buuqa Xildhibaanada ka tirsan labada dhinac
Intuu socday buuqa Xildhibaanada ka tirsan labada dhinac ayaa waxaa gacmaha isula tagay qaar ka mid ah Xildhibaannada kala mucaaradka iyo kuwa muxaafadka, iyadoo xaaladdu ay noqotay mid aan la xakameyn karin mudanayaasha si tooska ah isugu gacan qaaday ayaa kala ahaa Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya Senatar Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Xildhibaan Xasan Firinbi
Xildhibaanada mucaaradka ah ee kulanka buuqa iyo fowdada ka sameeyay ayaa jeex jeexay warqadihii ajandaha kulanka maanta, iyagoo ku andacoonaya iney diidan yihiin wax ka bedelka Dastuurka iyo qorshe ay sheegeen in mudo kordhin loogu sameynayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Waxay sidoo kale Mudanayaashan ku eedeeyeen Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka inay doonayaan inay meel mariyaan isbeddello Dastuuri ah oo aan haysan taageerada shacabka iyo Baarlamaanka ugu dambeyntii Xildhibaanada mucaaradka ayaa si fowdo ah ugu guuleystay inay baajiyaan kulankii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee la doonayay in lagu meel mariyo wax ka beddelka Dastuurka, kaasoo ay ku tilmaameen mid lagu xoojinayo mudo kororsi iyo awood uruursi.

0 Comments