Dagaal culus oo markale saakay dib uga qarxay magaalada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose

Dagaal culus

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kudhaa

 Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya inuu saakay dib uga qarxay gudaha magaaladaas dagaal culus oo u dhaxeeya kooxda Al-shabaab iyo ciidanka Daraawiishta Jubbaland dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan

Iyadoo dhawaqa hubka culus laga maqlayo saakay

Iyadoo dhawaqa hubka culus laga maqlayo saakay deegaano ka fog fog halka Kudhaa ilo ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay xalay ku hoydeen gudaha magaalada Kudhaa oo ay Shalay dagaal culus kula wareegeen

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa saakay

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah kula jarmaaday kooxda, waxaana lasoo warinaya in dagaalka uu ka dhashay khasaare xoog leh oo kala gaaray labada dhinac, inkastoo aanan la heynin tiro rasmi ah

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dhanka maamulka Jubbaland oo ku aadan dagaalada culus ee saacadahii lasoo ka dhacay magaalada  Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, waxaasa la filaya iney ka hadlaan saacadaha nasoo aadan

Post a Comment

0 Comments