Markii la gaaray dhammaadka habeenkii Sabtida
Markii la gaaray dhammaadka habeenkii Sabtida, laba waddan ayaa xaqiijiyay u soo bixitaankooda wareegga 16-ka ee Koobka Qaramada Afrika ee 2025 oo hadda socda labadaas dal waa Masar iyo Nigeria labada xulba waxay guuleysteen labadii kulan ee ugu horreeyay ee heerka group-yada
Taasoo u suurtagelisay inay boos ka helaan
Taasoo u suurtagelisay inay boos ka helaan wareegga xiga ee tartanka Masar ayaa Jimcihii 1-0 kaga adkaatay Koonfur Afrika, inkastoo ay ku ciyaareen 10 ciyaaryahan kaddib markii kaarka cas laga siiyay qeybtii hore ee ciyaarta
Ka hor intaas, (Masar) waxay kulankoodii furitaanka
Ka hor intaas, (Masar) waxay kulankoodii furitaanka ku garaaceen Zimbabwe 2-1. Group C-ga, Nayjeeriya ayaa si ciriiri ah ugu adkaatay Tunisia kulankii go’aaminayay hoggaanka group-ka, iyagoo ku badiyay 3-2
Victor Osimhen, Wilfred Ndidi iyo Ademola Lookman ayaa dhamaantood dhaliyay goolal, taasoo u sahashay ragga Eric Chelle inay helaan hoggaan saddex gool ah si kastaba ha ahaatee, kooxda Carthage Eagles (Tunisia) ayaa soo laabatay, kaddib gool madax ah oo uu dhaliyay Montassar Talbi iyo rigoore uu dhaliyay Ali Abdi
Xulka Algeria ayaa noqday xulkii ugu dambeeyay ee u gudbay wareega 16-ka tartanka koobka Qaramada qaarada Africa.
- Egypt
- Nigeria
- Algeria
Xulalka u soo gudbay wareega 16-ka koobka Africa:

0 Comments