Alan Shearer Oo Si Layaab Leh Uga Hadlay Wareysigii Kululaa Ee Uu Mo Salah Ku Weeraray Arne Slot Iyo Liverpool

Alan Shearer

Alan Shearer ayaa qirtay inuu si buuxda u fahmi karo 

 Alan Shearer ayaa qirtay inuu si buuxda u fahmi karo xanaaqa Mohamed Salah kaddib markii si isdaba joog ah loo dhigay keydka, isagoo sheegay inuu mar kale la kulmay xaalad la mid ah xilligii uu Ruud Gullit maamulayay Newcastle, balse wuxuu ku adkeeystay in Salah uu khaldamay markii uu arrintan si toos ah u muujiyay Shearer oo la hadlayay barnaamijka The Rest Is Football 

sagoo ay weheliyaan Gary Lineker

Isagoo ay weheliyaan Gary Lineker, ayaa sheegay inuu fahamsan yahay “niyad-jabka iyo xanaaqa” uu Salah dareemayo maadaama uu saddex kulan oo isku xiga uu keyd ku jiray, taasoo sababtay inuu bixiyo wareysi kulul kaddib ciyaartii 3-3 ee Leeds Axaddii

Shearer wuxuu yiri:“Waxaan fahamsanahay niyad-jabka

Shearer wuxuu yiri:“Waxaan fahamsanahay niyad-jabka iyo xanaaqa uu dareemayo. Waxaan mar kale la kulmay xaalad la mid ah markii Ruud Gullit keyd i dhigay oo uu doonayay inaan ka tago kooxda.”Balse markii Lineker si degdeg ah u tilmaamay in Shearer uusan waligiis arrintan si toos ah u muujin, kabtankii hore ee England wuxuu si cad u yiri:“Maya, ma sameynin, ma dhihi karin, taasna waa sababta aan u maleynayo inuu mar kale ku khaldamay

Shearer wuxuu ku adkeeystay: “Qofna kama weyna kooxda” wuxuuna ku taliyay Salah inuu fasaxa Africa Cup of Nations u isticmaalo inuu madaxiisa dejiyo ka hor inta uusan ku laaban jawi koox oo la rajeynayo inuu hagaagay.Sidoo kale wuxuu uga digay Arne Slot in daawaynta ciyaaryahan heerka Salah ah ay halis weyn leedahay, isagoo yiri:“Marka tababaraha ciyaaryahan weyn maago, waa inuu natiijo keenaa si loo xaqiijiyo, hadda natiijooyin fiican maysan iman

Post a Comment

0 Comments