Kooxda Arsenal ayaa dejisay taariikho rajo leh
Kooxda Arsenal ayaa dejisay taariikho rajo leh oo ku saabsan soo laabashada weeraryahannadooda dhaawacan, Gabriel Martinelli iyo Viktor Gyökeres labadan ciyaaryahan ayaa si buuxda u seegay Kulankii Champions League ee ay ka badisay Arsenal kooxda Slavia Prague, waxaana sidoo kale u muuqata inaysan ka qayb geli doonin kulanka dhamaadka usbuuca ee ka dhanka ah Sunderland
Gyökeres ayaa la badalay qaybtii nasashada Kulankii
Gyökeres ayaa la badalay qaybtii nasashada Kulankii ay ka badiyeen Burnley toddobaadkii hore, iyadoo dhaawaciisa lagu sheegay inuu yahay dhaawac muruqa ah mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in loo baahan doono tijaabooyin dheeraad ah ka hor inta aysan Arsenal awoodin inay si rasmi ah u xaqiijiso baaxadda dhibaatada (dhaawaca) “sida iska wuu maqan yahay,” ayuu yiri tababaraha Arsenal
Ma uusan tababaran maanta, waxaana u baahanahay
Ma uusan tababaran maanta, waxaana u baahanahay inaan sameyno tijaabooyin iyo baaritaanno sawirro (scans) dhowrka maalmood ee soo socda si aan u fahamno baaxadda dhaawaca, balse ciyaartan wuxuu gabi ahaanba ka maqnaan doonaa
Waan walwalsanahay, sababtoo ah ma uusan lahayn dhibaatoyin muruqa badan hore, balse hadda waa uu qasab uga baxay garoonka. Wuxuu dareemayay xanuun, waana taas — sida iska cad — aan calaamad wanaagsan ahayn

0 Comments