Inkasta oo England ay u soo baxday Koobka Adduunka
Inkasta oo England ay u soo baxday Koobka Adduunka, haddana Paul Scholes ayaa sheegay in ayna haysan fursad oo ay tartanka ugu guuleysan karaan ilaa uu Thomas Tuchel dib ugu yeero “saddexdiisa ciyaaryahan ee ugu fiicnaa” ee ka maqan xulka sadexda Libaax (England) ayaa Salaasadii habeenkii 5-0 ku xasuuqay Latvia si ay u ugu Soo baxaan Koobka Adduunka xagaaga dambe, iyadoo weli laba kulan u harsan yihiin
Kabtanka England Harry Kane ayaa laba gool dhaliyay
Kabtanka England Harry Kane ayaa laba gool dhaliyay halka xiddigaha Premier League-ga Anthony Gordon iyo Eberechi Eze ay sidoo kale shabaqa Soo taabteen, taas oo ahayd guul weyn oo ka timid kooxda daciifka ah ee Group K, Latvia tababarihii hore ee Chelsea, Thomas Tuchel, ayaa rajeynaya inuu England ku hogaamiyo koobkii ugu horreeyay ee ragga tan iyo 1966
addib markii loo magacaabay inuu beddelo
addib markii loo magacaabay inuu beddelo Sir Gareth Southgate sanadkii hore England waxay gaartay laba final oo Yurub ah (European Championship) iyo laba semi-final oo Koobka Adduunka ah intii uu Gareth Southgate ahaa tababaraha, balse kuma guulaysan inay soo afjarto sugitaanka dheer ee dalka ee koob weyn
Tuchel ayaa ka reebay xulka xiddigaha Jude Bellingham, Phil Foden iyo Jack Grealish Scholes ayaana la yaabay in ayna 3-daas xiddig ku jirin liiska xulka England waan La Yaabay, saddexdaas xiddig waa in ay ku jiraan xulka ka qayb galaya koobka adduunka”ayuu yidhi
Haddii aad eegto xulka waxa aad aaminaysaa in ayna fursad u haysan ku guulaysiga koobka adduunka hadii aanay ku jirin 3-daas xiddig
0 Comments