Maamulka Waqooyi Bari oo si adag uga hadlay duqeyntii dhawaan lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Ibraahim

Maamulka Waqooyi Bari

Maamul goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya

 Maamul goboleedka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay dilkii Caaqil Cumar Cabdullaahi Ibraahim oo dhawaan duqeyn diyaaradeed lagula beegsaday meel u dhaw degmada Ceelbuuh ee gobolka Sanaag warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in ilaa hada aysan garaneynin cida sida rasmiga ah u fulisay dilka Caaqil Cumar Cabdullaahi Ibraahim

Dilka nabadoonka oo ay geysteen diyaarado aan la garanyn

Dilka nabadoonka oo ay geysteen diyaarado aan la garanyn haybtooda waa arrin dhaawac ku ah nabadda iyo xasiloonida shacabka Waqooyi Bari iyo guud ahaan shacabka Soomaliyeed" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Waqooyi Bari warsaxafadeedka kasoo baxay maamulka Waqooyi Bari ayaa loogu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iney qaadato doorkeeda ku aadan masuuliyadda ilaalinta hawada iyo difaaca muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dilka Nabadoonka

Si caddaalad loogu helo 13-kii bishaan Sebteembar ee 2025

Si caddaalad loogu helo 13-kii bishaan Sebteembar ee 2025 ayay aheyd markii lagu dilay duqeyn ka dhacday deegaanka Jinacyo ee degmada Ceelbuuh ee gobolka Sanaag Nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibraahim oo kamid ahaa odayaasha sida weyn caanka uga ahaa ee gobolka deegaanada Waqooyi Bari

Ugu dambeyntii maamulka Waqooyi Bari ayaa carabka ku adkeeyay in dhulkeeda iyo hawadeeda aan laga aqbali karin wax walba oo dhaawacaya karaamada shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana uu yahay dhulkeeda mid lama taabtaan ah

Post a Comment

3 Comments