Wadanka Maraykanka oo kamid ah wadamada
Wadanka Maraykanka oo kamid ah wadamada ugu Horumarsan Caalamka dhanka aqoonta iyo dhaqaalaha ayaa Horumarka dalkaasi waxaa dhibaato xoogan ku haya Kooxaha loo yaqaan Burcada Internat-ka ( Hackers ),kuwaasi oo shirkado badan ka dhigay kuwa ay Jilbuhu u laabmaan halka qaar ay ku faliseen suuqana ay isaga bexeen,kadib markii la jabsaday xogaha kala duwan ee ay shirkadahaasi leeyihiin
Aqalka Congress-ka ee Dalka Maraykanka
Aqalka Congress-ka ee Dalka Maraykanka ayaa xildhibaanadiisu waxaa ay si weyn u taageerayaan meel marinta sharciga la dagaalanka Burcada Kombiyuutarada iyo Internat-ka ( Hackers ),iyadoona qaar kamid ah xildhibaanada aqalkaasi ay sheegayaan in ay doonayaan in lasoo hormariyo sharcigaasi si ay u ansixiyaan
Madaxda Qaar kamid ah Shirkadaha wax soo saarka
Madaxda Qaar kamid ah Shirkadaha wax soo saarka ee dalka Maraykanka ayaa si weyn usoo dhoweeyay Hadalada xildhibaanada baarlamaanka dalkaasi,waxaana ay sheegeen in loo ga baahan yahay hay adaha Sirdoonka Maraykanka in ay gacanta kusoo dhigaan Cid waliba oo looga shakisan yahay in ay qayb ka yihiin Kooxaha Hackers-ka
Marko Robio oo ah xubin ka tirsan Congress-ka Maraykanka,taageersana sharciga la dagaalanka Hackers ayaa sheegay in Sharcigana hadii la ansixiyo uu saamayn ku yeelanayo qaar kamid ah shirkadaha so saarka aflaamta iyo weliba kuwa Mareegyada khatarta ah ku leh Internat-ka
Midowga Ururka Sawirka dhaqdhaqaaqda ayaa ka horyimi qaanuunkan iyagoona sheegay in Dadka ka hadlaya ay yihiin dad aan aqoon iyo weliba saamaynta uu yeelanayo aan garanayn Sharciga
3 Comments
Mareykanka asiga lay aas aasayo aisgaley burburinaayo
ReplyDeletekuwaan aduunka ayay dhibeen waa in laga qabtaa
ReplyDeletemareykanku waa daneyste dantiisa oo kaliya ayuu fiirinayaa
ReplyDelete