Dagaal dhanka Tiknaloojiyada ah ayaa dhexmaray
Dagaal dhanka Tiknaloojiyada ah ayaa dhexmaray Labo ka tirsan Burcad-ka kumbiyuutarad ee loo yaqaan Hackers una kala dhashay Dalalka Sucuudiga iyo Isreal,Waxaana Dagaalkooda laga dareemay Dunida oo dhan,iyadoona xifaaltanku uu gaaray Heer uu dhaqaalaha Dalalkaasi uu saameeyn ku yeesho
Burcad Internat-ka ah oo u dhashay Isreal
Burcad Internat-ka ah oo u dhashay Isreal Magaciisana ku koobay Ox Koohiin ayaa waxaa uu todobaadkii aynu soo dhaafnay soo bandhigay in ka badan 300,000 oo kamid ah Kaararka Daymaha ee loo yaqaan Credit Cards iyadoona uu sheegay in inta badan Kaararku ay yihiin kuwa aan la isticmaalin oo la qaadan Karo
Wargays-ka lagu Magacaabo Gerusalam Post
Wargays-ka lagu Magacaabo Gerusalam Post ayaa kasoo xigtay Koohiin isaga oo leh ” Waxaan Awooda in ka badan Bidaaqadaha Ama Kaararka aan soo bandhigay in aan suuq geeyo,kuwo kalena aan soo saaro Anoo jabsanaya Shirkadaha Sacuudiga ee bixiya Kaararkaasi,waxaaan uga digayaa Burcad-ka Sacuudiga ah ama saaxiibadii in ay qaadaan Talaabo lamid ah tii ay ku dheceen Credit Card-ka Israel
Burcad Internat,magaciisa lagu Koobay Ox Cumar,una dhashay Sacuudiga ayaa goor sii horaysay waxaa uu Kumanaan Kaararka Credit Cars uu soo geliyay Internat-ka ,iyadoona Hadiyad ahaan Dad uu ugu sii yay Sanadka cusub,waana tan keentay in uu Talaabo lamid ah taasi uu qaado Burcad kasoo jeeda Israel
Saraakiil ka tirsan Maamulka Yahuuda ayaa sheegay in ay Tuureen Kumanaan kamid ah Kaararkii la jabsaday,iyadoona ay darsayaan sidii ay uga gaashaaman lahaayeen dhacdo taa lamid ah wasiir ku xigeenka Maamulka Yahuuda Dani Aaylon ayaa ku tilmaamay weerarada dhanka Internat-ka ee lagu hayo kuwo Argagixiso,iyadoona markii dambe la sheegay in la weeraray Bar Internat oo uu leeyayahay Wasiirkaasi
Dhalinta aqoonta Fiican u leh Kombiyuutar-ka iyo Tiknaloojiyada ee Isreal ayaa ah kuwa xiligani diyaar garow xoogan ugu jira sidii ay u difaaci lahaayeen Xogaha kala duwan ee lagu kaydiyo Khaanadaha Kombiyuutarada ee ay iska leeyihiin qaar kamid ah Wasaaradaha Maamulka Yahuuda ee xooga ku haysta dhulka Falastiin
Ma aha Markii ugu Horaysay oo weerar dhanka Internat-ka ah lagu qaado Israel,Waxaana mar sii horaysay Iskaashi ay sameeyeen Dhalinta Islaamka ah ee ku nool Wadamada Reer Galbeedka ay Jaah wareer ku rideen Xogo ku kaydsanaa Kombiyuutaro ay lahaayeen Qaar kamid ah Wasaaradaha Maamulka Yahuuda.
0 Comments