Waa Kuma Victor Bout, Mukhalaska hubka ee kumagac dheer ganacsadaha geerida?

Victor Bout

Ninkan caanka ah ee hubka ka ganacsada Victor Bout

 Ninkan caanka ah ee hubka ka ganacsada Victor Bout ayaa xabsi maraykanka ku yaal laga sii daayey kadib maxaabiis is waydaarsi dhexmaray maraykanka iyo Ruushka isagoo lagu badashay xidigta kubadda kolayga Brittany Geiner, taas oo Ruuska u xirnayd Brittany Greiner, oo lagu tilmaamo ciyaaryahanka kubadda kolayga Maraykanka ee ugu fiican dhanka dumarka, ayaa la xiray fibraayo mar ay kusoo laabanaysay Maraykanka iyadoo kasoo ciyaartay Ruushka boorsooyinkeedana laga helay daroogo marka ay kasoo baxaysay garoonka Moscow

Dhowrkii bilood ee u dambeeyay, waxaa jiray

Dhowrkii bilood ee u dambeeyay, waxaa jiray hadallo warbaahinta dhexmarayey oo sheegayey in masuuliyiinta Maraykanka ay ka fikirayaan sii daynta Victor Bott asagoo lagu badalanayo Brittany Greiner Bout oo ah sarkaal hore ee ciidamadii cirka xiligiii soofiyeedka ayaa aad ugu caan baxay ka nacsiga hubka ilaa laga sameeyay filin loogu magac daray aabaha dagaalka (lord of war) sannadkii 2008 ciidamada sirdoonka maraykanka ayaa siray falaagada Kolombiya ee FARC loosoo gaabiyo kuwaasoo Maraykanku argagixiso u aqoonsanyahay kadib waxay iska dhigeen inay hub gadanayaan oo kale,waxayna xiriir la sameeyeen qaar ka mid ah kuwii ay isla shaqaynayeen Victor Bout markii dambena asaga laftiisa ayey heleen

Victor wuxuu ku dooday inuu yahay ganacsade caadi ah

Victor wuxuu ku dooday inuu yahay ganacsade caadi ah oo si sharci ah alaabo kale uga ganacsada balse lagu eedeeyay in uu hub ka iibiyo falaagada caalamiga ah ee koonfurta Ameerika asaga oo ku tilmaamay eedaymahani inay yihiin kuwa uu Maraykan-ku siyaasad uga gol leeyahay sanadkii 2012 ayey maxkamadi xukuntay. Balse gudiga xeerbeetida New York ayaan ku qancin sheekadiisa waxaana lagu xukumay 25 sano oo xarig ah isku day dil oo uu la doonayey saraakiil maraykan ah iyo iibka uu ka iibiyey lidka diyaaradaha urur aragagixiso. Victor waa muwaadin ruush ah kuna dhashay Tajikistan

Wuxuu 1990-meeyadii bilaabay ganacsiga safrinta dhanka hawada kadib markii uu midowgii soofiyeedku kala daatay 2007, xeel dheerayaasha amniga Douglas Farah iyo Stephen Brann ayaa ku qoray buugooda 'Merchants of Death' in Bott uu bilaabay ganacsigiisa asigoo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka ee looga tagay garoomada diyaaradaha kadib burburkii midowga soofiyeet

Xilligan asaga ah waxaa beec ahaa diyaaradda gaadiidka hawada ee Swedish Airlines Entvo iyo Allussions macal shaqaalahooda waxayna aad ugu haboonaayeen safrinta alaabta ee caalamka Bout oo markii la xirayey 45 jir ahaa ayaa la sheegay inuu adeegsaday shirkadaha hubka si hub loogu daldalo dagaalada ka socday Afrika qaramada midoobay ayaa Bout ku tilmaamay inuu ahaa garabka madaxwenahii hore ee Liberia, kaas oo 2012-kii lagu helay hurinta dagaalla iyo ku lug lahaanshaha dembiyo dagaal inta uu socday dagaalkii sokeeye ee Sierra Leone

Bout waa ganacsade, iib geeya safriyana hubka iyo macdanta kaas oo "caawiyey dawladda madaxweyne hore Taylor si xasilooni darro looga abuuro Sierra Leone uuna si sharci darro ah u helo dheeman," ayaa lagu sheegay waraaqo ay qaramada midoobay soo saartay sida lagasoo xigtay warbaahnta bariga dhexe, wuxuu sidoo kale hub siin jiray Taalibaan iyo Al-Qaacida waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu labada dhinacba ee iskaga soo horjeeday dagaalkii sokeeye ee Angola uu hub siin jiray, si lamid ah hogaamiye kooxeedyada iyo Dawladdaha sida koongo, suudaan iyo liibiya iyo jamhuuriyadda Afrikada dhexe

Post a Comment

0 Comments