Hadii hooyadu dhiiggu ku yar yahay marka ay uurka
Hadii hooyadu dhiiggu ku yar yahay marka ay uurka leedahay waxaa suuragal ah in cunugga caloosha ku jiro ay ku dhacaan cudurrada wadnaha, sidaasna waxaa lagu sheegay daraasad cusub cilmibaarayaal ka tirsan Jaamacadda Oxford ayaa kala shaandheeyay xog laga soo ururiyay 16,500 oo hooyo taas oo qeyb ka aheyd cilmibaaris ay maalgelisay ururka wadnaha UK ee BHF waxaa cilmibaarista lagu ogaaday haddii ay hooyada dhiig-yari qabto 100-ka maalmood ee ugu horreeya xiliga ay uurka leedahay
Waxaa suuragal ah in ay dhasho cunug qaba
Waxaa suuragal ah in ay dhasho cunug qaba cudurada wadnaha in ka badan 74 boqolkiiba sida caadiga ah waxaa lagu qiyaasay ku dhawaad rubuc haweenka uurka leh ee UK iyo in ka badan saddex meelood kuwa ku nool adduunka in ay qabaan dhiig-yari taas oo inta badan ka timaada birta (Iron) oo ku yar hooyada Dhiig-yarida waa xaalad guud, waxayna timaada marka tirada unugyad dhiiga cas ama haemoglobin-ka oo ah borotiin laga helo dhiiga cas ay ka yar tahay sida caadiga, sidaasna waxaa sheegtay adeega caafimaadka UK ee loo yaqaan NHS
Prof Duncan Sparrow oo cilmibaaristan hoggaaminayay
Prof Duncan Sparrow oo cilmibaaristan hoggaaminayay ayaa sheegay in ay hore u ogaayeen ilmaha uurka ku jira ee cudurada wadnaha qaba ay waxyaabo badan ka timaaday. Dhiig-yarida ayuuna sheegay in ay ka timaaddo sida ay fahamsan yihiin iyagoo sidoo kale ku ogaaday baaris lagu sameeyay sheybaarka Prof Duncan wuxuu intaas ku daray hadii la ogaado dhiig-yaradi waqtiyada ugu horeeya uurka in ay wax weyn ka badali karto adduunka oo dhan
Birta oo ku yar hooyada waa waxa asalka u ah kiisas badan oo la xiriira aneemiyada, in birta ay qaataan haweenka, marka ay uurka qaadayaan iyo marka ay uurka leeyihiin waxay ka hortagi kartaa cudurrada ilmaha ku dhaca inta aysan dhalan ka hor" ayuu yiri Prof Duncan Sparrow cudurrada la dhaxlo waa wax guud oo carruurta ku dhashaan. Celcelis ahaan 13 cunug ayaa maalintii la ogaadaa in UK ay qabaan cudurrada dhaxalka, waana waxa ugu badan ee sababa dhimashada carruurta aadka u yar
Cilmi-baarayaasha waxay hore u ogaadeen in xiriirka ka dhexeeyo Aneemiyada gaar ahaan mida ka timaado birta oo ku yar hooyada inta ay uurka leedahay iyo cudurada wadnaha ee dooliga uurka ku jira. Haddana waxay culumada doonayaan in ay ogaadaan in xiriir ka dhexeeyo waxaa la rajeynayaa mustaqbalka in tani ay horseedo tijaabo la xiriirta qaadashada birta in ay noqoto hab lagu yareen karo cudurrada ay qaadaan carruurta inta ay uurka ku jiraan
0 Comments