Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya
Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah xukun dil toogashao ah ku fulisay saddex nin oo lagu helay dambiyo la xiriira ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab iyo iney qeyb ka ahayeen falal amni daro oo dhimasho sababay
Ragan xukunka dilka ah lagu fuliyay maanta
Ragan xukunka dilka ah lagu fuliyay maanta ayaa lagu kala magacaabi jiray Abuukar Axmed Maxamed Anwar, Xamsa Jeylaani Cabdulaahi Abtiga, iyo Xasan Cali Xuseen Garaad, kuwaas oo dhamaantood la sheegay in horey loogu helay in Al-shabaab ka tirsanaayeen, islamarkaana Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose ka geysteen dilal iyo qaraxyo
Goobta xukunka toogashada ah lagula fuliyay
Goobta xukunka toogashada ah lagula fuliyay ragaan ka tirsana Al-shabaab oo ku taala magaalada Muqdisho ayaa waxaa goob joog ahaa Saraakiil ciidan oo ka tirsan Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya
Si kastaba ha ahaatee xukunkaan toogashada ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmo kooban ka hor sidaan oo kale xukun toogasho ah loogu fuliyay gudaha magaalada Muqdisho laba nin oo ka mid ahaa maleeshiyaadka Al-shabaab
Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa u muuqata haatan mid bilowday in xukunada dilka ah ku fuliso maxaabiista xiran ee xukunada ku dhaceen ee ka tirsan kooxda Al-shabaab

0 Comments