Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgalo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowlada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, kasoo laga fuliyay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose
Ciidamada iskaashanaya ayaa la sheegay
Ciidamada iskaashanaya ayaa la sheegay in howlgalkan ku fashilyeen, kuna burburiyeen laba baabuur oo noocoodu yahay Leyla Calaawi oo ay kooxdu kasoo buuxisay waxyaabaha qarxa Khawaarijta ayaa isku dayday in ay laba gaari oo miineysan ku soo weeraraan ciidamada, si ay u fuliyaan weerar naf-halignimo ah
Balse Ciidanka ayaa si feejigan iyo geesinimo leh
Balse Ciidanka ayaa si feejigan iyo geesinimo leh uga hortagay weerarkaasi, waxaana ay guuleysteen in ay si nabad ah u burburiyaan labada gaari ka hor intaysan waxyeello geysan" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka
Howlgalkan oo lagu magacaabay ololaha “Duufaanta Aamusan” oo ka socday deegaanka Bariire dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay ayaa sidoo kale la sheegay in lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab
Ugu dambeyntii Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadisay howlgalkan sida wadajirka ah uga fuliyeen deegaanka Bariire iyo nawaaxigiisa ee jabka xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-shabaab

0 Comments