Dowladda Federaalka oo qorshaynaysa soo saarista lacag cusub oo Shilin Soomaali ah

Dowladda Federaalka

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay

 Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay qorshaynayso inay soo saarto lacag cusub oo Shilin Soomaali ah oo la daabacayo. Qorshahan ayaa qayb ka ah dib-u-habeynta dhaqaalaha ee socda, waxaana taageeraya Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) guddoomiyaha Bankiga Dhexe

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa ku dhawaaqay arrintan  isagoo ka jawaabayay su’aalo uga yimid warbaahinta dowladda kaddib shir sanadeedkii siyaasadda dhaqaalaha oo uu Bankigu ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in qorshaha lacagta cusub uu weli ku jiro marxaladaha farsamo ee hore, ayna shaacin doonaan faahfaahinta marka diyaar garowgu dhammaado

Dowladdu waxay wadataa qorshe ay ku soo saareyso

Dowladdu waxay wadataa qorshe ay ku soo saareyso lacag cusub,” ayuu yiri Guddoomiyaha, isagoo intaa raaciyay in faahfaahin dheeraad ah laga sugayo marka geeddi-socodku soo dhamaado IMF ayaa sidoo kale war-saxaafadeed ay soo saartay 9-kii Luulyo 2025, kadib markii guddiga fulinta ee IMF uu soo gabagabeeyay dib u eegistii saddexaad ee barnaamijka ECF ee Soomaaliya, ku sheegtay inay ogtahay qorshaha dowladda

Mas’uuliyiintu waxay sii wadeen dadaalladooda dib-u-habeynta inkastoo ay jireen caqabado gudaha iyo dibaddaba. Waa muhiim in si taxadar leh loo sii wado geeddi-socodka dib-u-soo-celinta Shilin Soomaaliga iyadoo la adeegsanayo habka currency board,” ayuu yiri Nigel Clarke, ku-xigeenka Agaasimaha IMF iyo Guddoomiyaha shirarka guddiga

IMF ayaa ballanqaaday inay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku taageeri doonto dhanka farsamada, gaar ahaan naqshadeynta lacagta, horumarinta siyaasadda lacageed iyo kor u qaadidda ka qeybgalka dadka ee nidaamka maaliyadeed IMF waxa kale oo ay xaqiijisay taageerada ay u hayso qorshaha dowladda ee ku aaddan dib-u-soo-celinta Shilin Soomaaliga 

Iyadoo la raacayo nidaamka “currency board”, taas oo micnaheedu yahay in lacag kasta oo la daabaco ay khasab tahay inay la siman tahay kaydka lacagaha qalaad ee dalka yaalla soomaaliya ma aysan daabicin lacag rasmi ah muddo ka badan 30 sano, tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991

Maanta, dhaqaalaha intiisa badan wuxuu ku shaqeeyaa doolarka Mareykanka iyo lacagaha taleefanka gacanta, halka Shilin Soomaaligii jira uu noqday mid duugoobay ama been abuur ah

Post a Comment

0 Comments