Howlgal lagu dilay horjooge iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Al-shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed

 Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,  gaarka ah Kumaandooska Danab ayaa xalay howlgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab iyo ilaaladiisa ka fuliyay tuulada Farsooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha kooxda u qaabilsanaa

Dhanka qaraxyada iyo sadax xubnood oo aheyd ilaaladiisa 

Dhanka qaraxyada iyo sadax xubnood oo aheyd ilaaladiisa, hayeeshee  dowladdu wali ma shaacisan magaca horjoogaha la dilay horjoogahaan oo ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu halista badan kooxda sidoo kale, waxaa lagu khaarajiyay saddex maleeshiyaad oo la socday" ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda

Waxaa sidoo kale lagu xusay qoraalka in Horjoogahan 

Waxaa sidoo kale lagu xusay qoraalka in Horjoogahan la dilay uu door muuqdo ku lahaa weeraro qaraxyo ah oo lagu beegsaday shacabka Soomaaliyeed oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad aan waxba galabsan

Howlgalkaan qorsheysnaa ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay si weyn u kordhiyeen mudooyinkii dambe howlgalada ka dhanka ah Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose.

Post a Comment

0 Comments