Wararka ka imaanaya deegaanka Mabaax
Wararka ka imaanaya deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Macawiisleyda gobolka Hiiraan aroornimadii hore ee maanta howlgal qorsheysna oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyeen duuleedka deegaanka Mabaax howlgalka Macawiisleeyda Hiiraan ka fuliyeen duuleedka deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan ayaa la soo warinaya in lagu dilay ilaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab
Ciidanka Macawiisleeyda ayaa howlgalka
Ciidanka Macawiisleeyda ayaa howlgalka ku beegsaday goobo maalmahii lasoo dhaafay ay isku aruursanaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab oo hoostaga deegaanka Mabaax howlgalkaan ayaa kusoo aadaya
Iyadoo saacadahii lasoo dhaafay ciidamada Macawiisleyda
Iyadoo saacadahii lasoo dhaafay ciidamada Macawiisleyda gobolka Hiiraan ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqyada ku aadan ka hortaga weerarada kooxda Al-shabaab uga imaan kara si kastaba ha ahaatee 48 saacadood ee lasoo dhaafay furimaha hore ee dagaalkanka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda
Gobolka Hiiraan gaarayay ciidamo aad u tiro badan oo ka kala baxay magaalooyinka gobolka Hiiraan, kuwaas oo xoojinaya ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle ee sanadahii lasoo dhaafay sida tooska ah ula dagaalamaya Al-shabaab
0 Comments