Dagaalka Dekeddaha Iyo Danaha Dalalka

Dagaalka Dekeddaha

Baratanka ugu xanafta badan ee xilligan ka dhex socda

 Baratanka ugu xanafta badan ee xilligan ka dhex socda aduunka gaar ahaan dowladaha soo koroya, kuwa dhaqaalahoodu xowliga ku socda iyo kuwa ku yaalla goobaha istaraatiijiga ah ama marinnada caalamiga ah ee baahida weyn loo qabo, wuxuu ku saleysan yahay dekeddaha oo iyagu ah meelo laga maamuli karo ganacsiga caalamka, lagana ilaashan karo danaha qaran ee dowladaha xifaaltamaya, nabadgelyada badaha, ladagaallanka waxa loo bixiyey argagixisada iyo budhcad badeeda. Dekedduhu waxay saldhig u yihiin isu socodka aduunyada kala fog iyo fududeynta isu gudbinta ganacsiga caalamka

Waxaa kaloo badanaa arrimaha dekeddaha

Waxaa kaloo badanaa arrimaha dekeddaha ku lifaaqan saldhigyo ciidan oo la dabo wado hindisayaasha ganacsi ee dusha sare ka muuqda Shiinaha oo ah dalka dunida ugu dadka badan iyo kan labaad ee ugu dhaqaalaha weyn, ayaa halgan weyn ugu jira ballaadhinta marinnadii uu marin lahaa dhoofinta wax soo saarkiisa xawaaraha ku socda, sidaas daraadeed ayuu jeexay mashruuca weyn ee la magac baxay hal suun iyo hal jid (one belt one road)

Kaas oo ah shabakado iskuwada xidhan

Kaas oo ah shabakado iskuwada xidhan oo ka kooban dariiqyo dhaadheer oo badda iyo berrigaba maraya, jidad tareen, buundooyin, dhuumaha shidaalka qaada, xadhkaha korontada iyo internetka iwm. Kuwaasi oo dhammaantood loogu talo galay iney Shiinaha ku xidhaan dunida inteeda kale gaar ahaan Aasiya, Yurub iyo Afrika

Mashruucaan –oo ah dib usoo cusbooneysiin taariikh duugoowdey taas oo ah dariiqii caanka ahaa ee la odhan jirey jidkii xariirta ee Shiinihii hore gaadhsiin jirey isla dhulalka uu iminka doonayo inuu gaadho ayaa loo qorsheeyey inuu xidhiidhiiyo in ka badan 65 dal oo u dhigma 60% (Boqolkiiba lixdan) dadweynaha dunida ku nool, sidoo kalena noqon doona sadex meelood meel ahaan dhaqaalaha caalamka oo idil, iyadoo dowladda Beijing ay ku bixineyso aduun gaadhaya  $1000,000,000, (Hal tirrilyan oo dollar)

Sida la shaaciyey hindisahaan wuxuu xoogga saari doonaa dhowr arrimood oo lafdhabar u noqon kara kala faa’iideysiga bulshaweynta caalamka, waxaana ka mid ah, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida jidadka, dekaddaha, buundooyinka iyo warshadaha, fududeynta ganacsiga iyo isu gudubka aduunka, isu furka dhaqaalaha dowladaha iyo qaaradaha kala fog, isku xidhidda maalgashiga dowladaha iyo shirkadaha ganacsiga, isdhaafsiga dhaqamada dadyowga kala duwan, isdhexgalka bulshooyinka iwm

Hindisahaan Shiinuhu hormuudka ka yahay uuna maalgelinayo waxaa ogolaaday iney qeyb ka noqdaan dalal badan oo uu mari doono ama si uun uga faa’iidi doona dhaqaale ahaan ama adeeg ahaan, kuwaas oo badankoodu Shiinaha ka heley ballanqaadyo ah inuu ka taageeri doono kobcinta dhaqaalahooda, halka dalalka qaarna gaar ahaan kuwa reer galbeedku ay shaki ka muujiyeen isballaadhinta Shiinaha ee dheereyneysa

Post a Comment

0 Comments