Weerar yahanka kooxda Barcelona Robert Lewandowski
Weerar yahanka kooxda Barcelona Robert Lewandowski ayaa soo jeediyay in qabanqaabiyayaasha abaal marinta Ballon d’Or ay dhinac ka raacaan waxa uu ka shakiyay suurtogalnimada saaxiibkiis da’da yar ee Lamine Yamal, inuu ku guuleysto abaalmarinta sida laga soo xigtay isaga, France Football, oo ah qabanqaabiyeyaasha abaalmarinta, kaliya waxay siiyaan qof kasta oo ay u arkaan inuu ku habboon yahay
Sannadkii 2021-kii, Lewandowski waxa uu ku fikiray
Sannadkii 2021-kii, Lewandowski waxa uu ku fikiray in sannadkaas loo caleemo saari doono kan ugu fiican adduunka, balse nasiib darro isaga, waxa abaal-marintan ku garaacay Lionel Messi, taasoo niyad-jab ku noqotay wixii markaas ka dambeeyay, weeraryahanka rugcadaaga ah ayaa u muuqda mid lumiyay kalsoonida abaalmarinta ugu qiimaha badan ee ciyaartoyda
Xiddigaha Yamal iyo Ousmane Dembélé
Xiddigaha Yamal iyo Ousmane Dembélé ayaa si weyn loo filayaa in ay ku tartamaan abaal-marintan xiddiga ugu fiican adduunka sanadkan Yamal iyo Dembélé waxa ay ahaayeen kuwa aad ugu wanagsan kooxahooda xilli ciyaareedkii dhamaaday halka Yamal uu diiwangeliyay 18 gool iyo 25 caawin 55 kulan oo uu ka caawiyay Catalans inay ku guuleystaan La Liga, Copa del Rey, iyo Supercopa de España, Dembélé wuxuu fure u ahaa ku guuleysiga PSG ee Champions League, horyaalka Ligue 1, iyo laba koob oo kale oo maxali ah
Waxa uu dhaliyay 33 gool,waxana caawiye ka noqday 15 kale 49 kulan isagoo la hadlayay Mundo Deportivo, Lewandowski wuxuu ku adkeystay inay ku xirnaan doonto arrimo badan dabcan fursad ayuu heystaa, laakiin waxaa jira waxyaabo kale oo aad muhiim ugu ah Ballon d’Or
Waxay kuxirantahay sharciyada ay leeyihiin sanadkan. Sannad kasta, waxaad leedahay xeerar kala duwan. Waxay kuxirantahay cidda ay rabaan iyo sharciyadu waa xilli ciyaareedkan waxa uu intaa ku daray: “Ugu dambeyntii ma hubin waxa ay yihiin sharciyada muhiimka ah xilli ciyaareedkan
0 Comments