Midowga Yurub oo kaashanayay Ciidanka Xoogga Dalka
Midowga Yurub oo kaashanayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Hawlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa soo gabagabeeyay dhoolatus ciidan oo lagu magacaabay Green Shield dhoolatuskan oo ka dhacay xarunta tababarka General Dhagabadan ee duleedka Muqdisho, ayaa lagu sheegay inuu calaamad u yahay iskaashiga ka dhaxeeya Soomaalida, Midowga Yurub, iyo Afrikaanka
Waxaana markii ugu horreysay ay si wadajir ah
Waxaana markii ugu horreysay ay si wadajir ah u qaabeeyeen, u hoggaamiyeen, ugana qeyb qaateen dhoolatus toos ah oo amni Ujeedada dhoolatuska ayaa ahayd diyaar-garowga xaaladooda amni ee adag sida qaraxyada miinada la dhigo waddooyinka iyo weerarada ka dhaca meel fog
Taas oo muujinaysa in xiriirka wada shaqeyneed
Taas oo muujinaysa in xiriirka wada shaqeyneed ee u dhexeeya beesha caalamka iyo hay’adaha ammaanka Soomaaliya uu noqday mid sare u kacay, isla markaana xoojinaya xirfadda iyo kartida ciidamada Soomaaliyeed
Dhoolatuskan ma ahayn kaliya tababar, wuxuu ahaa fariin cad oo muujinaysa in guulaha la gaaro marka la shaqeeyo, lana wadaago hannaanka shaqo. Sida uu yiri mid ka mid ah ka qaybgalayaasha: “Annagu uma tababaranay Soomaaliya, ee Soomaaliya ayaan la tababaranay. Taas ayaana farqiga keenaysa
Midowga Yurub ayaa sheegay Iskaashigan inuu ka tarjumayo rajada ah in hay’adaha amniga ee Soomaaliyeed ay noqdaan kuwo adkaysi leh, nabadda ay ka timaado gudaha dalka, iyo in amniga Soomaaliya ay sugaan ciidamo xirfad leh oo Soomaaliyeed, iyadoo lala kaashanayo saaxiibo caalami ah oo daacad u ah Soomaaliya
0 Comments