Shiv iyo walaalaha Hemant
Shiv iyo walaalaha Hemant, waxay ahayeen 19 sano jir iyo 16 sanno jir markay Guyana ka tageen aadeenna Canada 1982dii markaas waxay ka tageen midka mida wadamada uga faqiirsan adduunka, iyagoo talaabo raacaya kumanaan dhallinyaro ah oo nolol wanaagsan raadinaya waqooyiga Ameerika, waxay taageereen qoysaskooda door muhiim ahna ka ciyaareen noloshooda waxayna sameeyeen xirfad ayku ganacsadaan dhismaha guryaha iyo qaybta maalgelinta. Sanadkii 2021, oo ku beegan markii ay 39 sanno ka hor ka tageen Guyana isla jidkii ayay dib usoo qaaden iyagoo guryo noqod ah
Walaalahan waxaa soo jiitay, balaayiinta doolar ee betroolka
Walaalahan waxaa soo jiitay, balaayiinta doolar ee betroolka laga helayo kuwaas shidaaliyay dhaqaalaha Guyana sanadahii lasoo dhaafay. Waxay caasimadda Goergetown ka sameeyeen shirkad ka shaqaysa guryaha qaaliga ah kireyntooda iyo iibintooda Shiv iyo Hemant waxay labadoodaba metalayaan dabaqadda cusub ee dhexe soo baxay (ama kusoo noqday) dalka sannadahii lasoo dhaafay illaa markii la bilaabay soo saarista saliidda wadanka gudahiisa ah
Illaa 2019-kii, soosaaristaasi waxay beddeshay
Illaa 2019-kii, soosaaristaasi waxay beddeshay wadankan horey u gumeysanjiray Ingiriisku waxuu a ka dhigay mid ka mida wadamada ugu dheereeya kooriinka dhaqaalaha ee adduunka Guyana waa wadan dhaca waqooyiga Koonfurta Ameerika, waxayna u dhexeysa Suriname iyo Venezuela waxaa ku nool in ka badan 80,000 qof Waxay ka xorowday Baqortooyda Ingiriiska 1966 2015, shirkadda shidaal qodiska ee Axxon Mobil, ayaa sheegtay in ay heshay ceelal shidaal ceegaago oo ku yaala xeebaha wadanka
Sanadahii xigaynga dalad ayku midaysanyahiin Axxon Mobil, American Hess, iyo shirkadda China laga leeyahay ee CNOOC ayaa qoday ceelasha kuyaas oo dheraran in ka badan 200km oo xeebaha Guyana ah maanta, keydka shidaal ee wadanku waxuu gaadhayaa qiyaastii 11 Bilyan oo foostooyin shidaal ah, laakiin qiyaasiyahii u danbeeyay waxay tilmaamayaan in cabirkani gaadhi karo 17 Bilyan tani waxay ka badnaan doonaa keydka la hubo ee saliidda Brazil, taas oo lagu qiyaasay 14 bilyan oo foosto
Illaa iyo 2019-kii dhaqaalaha Guyana waxuu ku tiirsanaa waxsoosaarka beeraha, dahabka, qodista dheeman, iyo jarista geedaha, sanadkaas marka laga bilaabo dakhliga shidaalku waxuu bilaabay in uu xoojiyo wax soo saarka gudaha ee wadanka sanadkii 2020, Wasiirka Dhaqaalaha ee Brazil, Paulo Guedes, ayaa barbardhigay wadanka mid kamida caasimadaha Dowladda Imaaraadka Carabta taas oo u tusaale u noqotay hantida saliidda laga sameeyay
Waa Dubai-da cusub ee gobolka” ayuu yidhi Guedes. Waxyaabahaas oo dhana Guyana waxay ka dhigtay mid indho badan soojiidata. Waa sida in dalku ku guuleystay Lottery hay’adda Lacagta Adduunka ayaa qiyaastay in mudadii u dhexeysay 2019 iyo 2023 wax soosaarka gudaha ee Guyana uu ka teggay 5.17 Bilyan oo Dollar noqdayna 14.7 Bilyan oo dollar koorin boqolkii 184% ah
3 Comments
Dadaala wuu gaara
ReplyDeleteQofwalba hami leh maalin ayay u rumoobeysaa
ReplyDeleteKu dadaal hankaagii sidaad ku gaari laheyd
ReplyDelete