Guud ahaan gobollada Somaliland
Guud ahaan gobollada Somaliland waxa si weyn looga xusay munaasibadda 18-ka May oo ku beegan maalinta ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka baxday midowgii Soomaaliya munaasibaddan oo ah sannad-guuradii 34aad ee gooni-isu-taagga Somaliland ayaa waxa ka qaybgalay madaxda, shacabka, iyo ciidamada kala duwan sida booliiska
Ciidamada badda, iyo kuwa qalabka sida,
Ciidamada badda, iyo kuwa qalabka sida, iyadoo madaxweynuhuna uu salaan ka qaatay cutubyada kala duwan ee ciidamada maanta Jamhuuriyadda Somaliland waxay buuxisay dhammaan halbeegyada laga filayo qaran madax-bannaan waxay muujisay masuuliyad dowladnimo, waxaana lagu aaminay heshiisyo iskaashi iyo maalgashi oo ay si buuxda uga soo baxday waajibkoodii,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo shacabka Hargeysa kula hadlay fagaaraha munaasibadda madaxweynuhu waxa uu sheegay in aanu jirin curfi caalami ah oo diidaya in Somaliland noqoto qaran kamid ah dowladaha dunida, balse uu jiro go'aan siyaasadeed oo hor-istaagay aqoonsiga, isagoo xusay in go'aamadaasi aanay waari doonin, isla markaana la filayo in Somaliland la aqoonsado mustaqbalka dhow
Dabbaaldegga oo ahaa kii ugu ballaadhnaa ee sannadihii u dambeeyay lagu qabto Somaliland, ayaa waxa sidoo kale ka qaybgalay wufuud ka socotay dalalka Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo meelo kale isla markaana shacabka iyo ciidamada ayaa fagaarayaasha iska xaadiray goor hore oo saaka ah diyaar-garowga munaasibaddan ayaa socday saddexdii toddobaad ee u dambeeyay
Iyadoo dabbaaldegyo isdaba-joog ah ay ka dhaceen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Sannadkan waxa uu kaga duwanaa sannadihii hore in isu-soo-baxyada iyo dabaaldegga ayaa la bilaabay maalmo badan kahor munaasibadda sidoo kale, kooxaha fanka ayaa bandhigyo isdaba-joog ah ka dhigayay magaalooyinka waaweyn, iyaga oo bilay u diyaar-garowga munaasibadda. Dadweynuhuna waxay hore u sii iibsadeen calamada iyo astaamaha kale ee muhiimka ah
Inkasta oo Somaliland lagu amaano nabadgelyada iyo dimuqraadiyadda, haddana muddada 34-ka sano ah ee ay jirtay weli ma helin aqoonsi caalami ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladaha dunida uu u diray waraaqo uu kaga codsanayo in Somaliland la aqoonsado
0 Comments