Markaad ganacsi furato ama aad shirkad aas-aasto, waxaad u baahan tahay garab iyo qof ku saacida

TIKNLOJIYDA

Markaad ganacsi furato ama aad shirkad aas-aasto

 Markaad ganacsi furato ama aad shirkad aas-aasto, waxaad u baahan tahay garab iyo qof ku saacida halka ugu horeeya ee aad garab ka doonto waa qaraabada iyo saaxibaada inkasto oo ay wanaagsan tahay inaad shaqaaleysiiso dadka xigaal-kaaga ah hadana waxaa jira caqabado badan oo lagala kulmo shaqaaleysiinta qaraabada marka aad shaqaaleyso qof qaraabo ah

Xiriirka idinka ka dhaxeeyo ma mid shaqo

Xiriirka idinka ka dhaxeeyo ma mid shaqo baa mise waa mid shaqsi (Qaraabonimo)? Inta badan waxaa dhacda markaad shaqaaleyso qof ahalka ah inuusan iskuba arag qof shaqaale taas oo dhibaato ku ah muqtaqbalka ganacsigaaga tusaale hadii ay dhacdo qalad la xiriira dhanka shaqada oo aad rabto inaad saxdo arinkaas waxaa suurtagal ah in loo qaato arin shaqsi (qaraabanimo iyo tolnimo isla markaana lagu xaliyo caadifad soke oo saameyn ku leh qaraabanimada

Taas caksigeeda waxey aheyd in mushkilada

Taas caksigeeda waxey aheyd in mushkilada loo fahmo arin shaqo meeshana laga saaro caadifadda soke waxaa sidoo kale la mid ah hadii aad eryiddo qofki aad qaraabada aheydeen in arinkaas ay soo farageliyaan tolka iyo qaarabada Caqbadda kale oo ay leedahay shaqaaleysiinta qaraabada waxaa ka mid ah in sirtaada ganacsiga laga yaabo in ay si lama filaan ku dhexfido ahalka iyo qaraabada

Taasina waxey keeni kartaa markaa aad ka qeeybgasho munaasabadaha qaraabada dhexdooda in aad maqasho xan ku saabsan ganacsigaaga oo marki hore aad moodi jirtay in ay kuu xifdisan tahay waana sababaha keenta in dad badan ay aaminsan yihiin hadii  ay shaqaaleysiiyaan qof ka mid ah qaraaba in sirtooda ay dibadda u so bixi karin

Dhammaan shaqaalahaaga wey garanayaan qofka qaraabada aad tihiin ee ganacsigaaga ka dhaqeeya.  Mashaakilka wuxuu imaanaya marka ina-adeerka uu shaqa wanaagsan qabto kadibna aad aabaalmariso inkastoo arinkaasi aysan  xumeyn, hadana marwalba waxaa jira guuxa shaqaalaha shishe oo ku saabsan in abaalmarintaas aysan ku saleysneyn waxqabad balse ay tahay eex iyo sokenimo.

Dabcan waxaa wanaagsan in aad dhisto bii’ad shaqo oo wax walba aan  qarsooneyn, shaqaalahana ay ogyihiin in abaalmarinta iyo guusha tahay waxqabad iyo dadaal  balse aysan aheyn waxa ku saleysan eex iyo qaraabanimo

Post a Comment

0 Comments