Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Xalay markale cadeeyay isagoo ka hadlaayay munsaabadda daahfurka xisbi siyaasadeedka cusub ee hoggaamiyayaasha siyaasadda dowladda Fedaraalka iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada inaan dalka dib loogu celin doonin doorasho dadban
Maxadaweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Maxadaweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladiisa ka go'an tahay hirgalinta doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna ugu baaqay siyaasiyiinta kale inaysan ku fakirin in dalka dib loogu celinaayo doorasho dadban
Xisbigaan wuxuu ka shaqeyn doona horumarka
Xisbigaan wuxuu ka shaqeyn doona horumarka dalka, dadka Sanduuqooda siyaasadeed eberka yahay, doorasho dadban bis ugu jirto, fadlan wax kale ka fakira dalkaan dib uma noqonaayo inuu horay u socdo mooye” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweynaha in siyaasiyiinta mucaaradka looga baahan yahay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed aysan ka hor istaagin Mustaqbalka wanaagsan ee muuqda
Koox ajande gaar ah leh dadka iyo qabiil iskuma hayn karaan, dalka waxaa isku hayn kara fikir siyaasi ah oo mustaqbal fiican laga dhex arko, isbedelkasta waa xanuun iyo cabsi badan yahay dib uma noqon karno oo masii joogi karno meeshaan 25 joognay, horaan u soconaynaa meel kaliya masii taagnaan karno” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Hadalkaan ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Xalay ka sheegay munaasabad lagu daahfurayay xisbi siyaasadeedka cusub oo ay ku mideysan yihiin madaxda dowladda Fedaraalka, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir
3 Comments
Sheekadaan ma soconeyso ee teendhada haleysku diyaariyo
ReplyDeleteWaa riyo maalmeed an run noqoneyn
ReplyDeleteTeendhada waa lama huraan
ReplyDelete