Ganacsiyadu door weyn ayey ku leeyihiin
Ganacsiyadu door weyn ayey ku leeyihiin dhaqanka iyo bulshada guud ahaan sidoo kale waxay gacan ka geystaan abuurista hal-abuurnimo iyo inay sameeyaan horumar farsamo oo muhiim ah ganacsigu waxa uu ka qeyb qaata shaqo abuurka bulshada, iyado hadii ay bulshadu ay leedahay goobo badan oo ganacsi ay katurjumayso in
Bulshadaa ay shaqo abuur fiican leedahy badana
Bulshadaa ay shaqo abuur fiican leedahy badana waxa dhacda wadamada horumaray marka ay rabaan in ay yareeyan shaqo la aanta wadanka kajirta meelaha ugu waweyn ee il dhaqaale bulshada looga sameeyo waa ganacsi wadamada wali soo koraya gaar ahaan wadamada bariga Afrika dhibaatada ugu weyn dhalinyarda haysata waa shaqo la aan
Waxad arki ama aad maqli jaantus magaalo
Waxad arki ama aad maqli jaantus magaalo oo dhalinyarada shaqaysa ay aad u hooseyan hadaba hadii dhalinyarada lagu baarurijin lahaa lagana caawin lahaa sameynta ganacsi isbedel weyn oo lataaban karo aay ku imaan lahaa bulshadaas ganacsiga oo dardar la galiyaa wuxu kaalin weyn ka qaadanaya in xooga iyo maskada Is weheshaday ee dhalinyarada ay ka faaideystaan kuna
Maareeyan noloshooda kana badbaadan aafoyin fara badan ee so wajihi laahaa sida tahriib,dhaca ama boobka,ama maandooriyaasha oo ay isku maweeliyaan sida an ciwaanki hore ugaso hadalnay cashuurta waa isha ugu muhiimsan ee dhaqaale ee dawlada ay ku tiirsan tahay hadaba bulshada samaysa ganacsi fiican waxa ay qeyb weyn ka qaadanayan geedi socodka dawlada, halkaa oo ay dawladu ugu fulinayso arimo aad ugu muhiiim ah sida sugida amniga
Amniga waxa suga ciida loo tababaray kuwaa oo mushaharkooda dowladu bixiso hadaba mushahaarkaas wuxu ka yimi cashuurta laga qaado bulshada goobta kusugan hadii ay dhacdo in bulshadu ay ka gaabsato ganacsiga oo aysan ilo dhaqaale xoogan ay lahayn waxa adkanaysa inay cashuur bixiyaan taana waxay sababysa in sugida amniga uu yaraado Waxa odhan karaa ganacsiga wuxu qeyb lixaad leh ka ciyaaray sugida amniga ee bulshada
Ilaahy sareeye weynaaye, aadamaha waxa uu ku abuuray baahiyo faro badan kuwaa oo aan xad lahayn qofka intu noolyahay dunida kudul socdo uu rabo wana baahiyo isbadal yaal waxa kamida baahida cunada baahida dharka baahida dawo oo qofku hadii uu xanunsto ama jiro haleesho uu tabayo dawo tayo leh oo uu cudurkiisa kula tacaalo inuu helo
0 Comments