Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe Muxuu ka yiri dagaalka ka socda Puntland


Axmed Madoobe

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa markii u horreysay ka hadlay dagaalka ka socda maamulka Puntland ee u dhaxeeyay kooxda Daacish iyo maamulka madoobe ayaa si weyn u bogaadiyay howl-galada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Puntland

Isagoo adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan

Isagoo adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan loo wajaho dagaalka dagaalka argagixisada waa in midnimo loo wajaho, si dib u dhiska iyo soo kabashada dalkeennu ay u noqoto mid miro dhal ah,” ayuu Axmed Madoobe ku yiri bayaan uu soo saaray

Sidoo kale wuxuu ugu hambalyeeyay ciidamada Puntland

Sidoo kale wuxuu ugu hambalyeeyay ciidamada Puntland guulaha ay ka gaareen howl-galka lagu cirib-tirayo kooxda oo ayadu sanadihii dambe culeys amni ku haysay maamulkam waxa kale oo uu tilmaamay in howl-galkan uu u leeyahay muhiimad weyn dadka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed

Ugu danbayntiina wuxuu ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka inay ku garab istaagan maamulla Puntland sidii uu u miro dhali lahaa howl-galkan dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish ayaa dib u laba kacleeyey laba toddobaad kahor markii ay Puntland shaacisay in ay weerari doonto kooxaha argigixisada

Balse kadib ay Daacish weerar toos ah oo isugu jira qaraxyo iyo dagaal ku soo qaadeen qayb ka mid ah ciidamadii ku sugnaa buuraha degaanka Dharjaale kooxda Daacish ee Soomaaliya oo muddo aheyd laan yar oo ka tirsan kooxda caalamiga ah ee Daacish ama isugu yeerta khilaafadda Islaamiga ah ayaa sanadihii ugu dambeeyey yeelatay muhiimad iyo saameyn

Post a Comment

0 Comments