Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose
Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah laga dareemayo deegaanka Raaskambooni oo ay shalay ka dhaceen dagaallo qaraar oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, waxaana guud ahaan deegaanka la wareegay daraawiishta Jubbaland xaaladda ayaa haddaxasilloon, waxaana deegaanka iyo nawaaxigiisa ku sugan ciidamada Jubbaland oo fariisimo cusub ka sameystay halkaasi
Jubbaland oo war qoraal ah soo saartay
Jubbaland oo war qoraal ah soo saartay ayaa sheegtay in wax dhibaato ah aysan ka jirin deegaanka, isla markaana uu soo galay gacanteeda Sidoo kale waxa ay ku eedeysay ciidamadii dowladda federaalka ee la geeyay halkaasi in muddada ay joogeen ay dhibaatooyin kala duwan ka gaysteen aagga Raaskambooni
Maleyshiyaadka uu eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud
Maleyshiyaadka uu eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa diyaaradaha ku geeyeen deegaanka nabada ahaa ayaa inta ay joogeen Shacabka ugeysanayay dhac iyo boob lkn Ciidamada geesiyaasha ah ee Jubbaland ayaa arintaas ka hortagay soona afjaray Shalay galinkii dambe” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Jubbaland.
Ciidamada dowladda ayaa isaga baxay deegaanka, waxayna u gudbiyeen dhinaca dalka Kenya, waxaana barta Twitter-ka ee Hey’adda ka hortagga Dambiyada Argagixiso ee dowladda Kenya lagu baahiyey sawirrada askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo isku dhiibay ciidamada Kenya, kadib markii ay ka gudbeen xuduudda
Sawirrada ayaa muujinaya ciidamada oo hubkooda dhigaya iyo kuwa Kenya oo soo dhaweynaya, xaaladda Raaskambooni in xog rasmi ah laga helo ayaa aad u adag, maadaama aysan jirin wax isgaarsiin ah
Si kastaba, waxaa Jubbaland ay ku dhawaaqay inay gebi ahaan soo afjartay howlgalkeeda ku aadanaa Raaskambooni, gebi ahaana ay ka saartay ciidamadii dowladda, taas oo meesa ka saaray dhaq-dhaqaaq culus oo labadii todobaad ay ka wadday dowladda federaalka
0 Comments