Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa culus oo lala beegsaday ciidamada Kenya

Dowladda Kenya

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa culus

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa culus oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya lagula eegtay agagaarka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ay u dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Khorof Haraar oo ka tirsan degmada Wajeer, una dhow xadka labada dal, xilli ay socdaal ku jireen ciidamada

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in qaraxa

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in qaraxa uu haleeyay mid kamid kolonyada ay wateen ciidamada, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo baaxad leh ugu yaraan illaa 8 askari ayaa lasoo wariyay inay ku dhaawacmeen qaraxa, sidoo kalena uu jiro burbur soo gaaray baabuurka uu qaraxu haleelay

Weerarkan ayaa ku soo aaday y xilli ay ciidamada Kenya

Weerarkan ayaa ku soo aaday y xilli ay ciidamada Kenya ay wadeen roondo amni oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada Kenya ay horay usii wateen socdaalkooda, sida laga soo xigtay dadka deegaanka

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan  deegaanada u dhow xad u dhow Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments