Safiirka Denmark oo u hoggaansamay u yeeristii DF, kadibna bixiyay


Safiirka Denmark

Safiirka dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya

 Safiirka dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya Steen Sonne Andersen ayaa u hoggaansamay u yeeristii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isaga oo tegay xarunta wasaaradda, kadibna la kulmay Axmed Macallin Fiqi ugu horreyn Danjire Steen Sonne Anderse ayaa raaligelin iyo cudur daar ka bixiyay hadal uu ugu gefay madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, kadib markii uu tegay Hargeysa

Isaga oo kamid ahaa kormeerayaasha caalamiga ah 

Isaga oo kamid ahaa kormeerayaasha caalamiga ah safiirka ayaa sheegay in Denmark ay ixtiraameyso midnimada Soomaaliya isla-markaana hadalka uu jeediyay uu ka bixinayo raalligelin buuxda oo rasmi ah Denmark waxay ixtiraamaysaa midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland,” ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa X Danjire Steen Sonne Andersen, kadib kulanka uu la qaatay wasiir Axmed Macallin Fiqi

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada dowladood

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in labada dowladood uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, ayna ka wada shaqeeyaan arrimo dhowr ah oo ay ugu horreyso dowlad dhiska denmark iyo Soomaaliya waa labo dal oo uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, kana wada shaqeeya arrimo badan oo ay ku jiraan dhismaha dowladnimada

Isbedelka cimillada iyo nabadda iyo amniga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay safiiirka Arrintan ayaa dhalisay caro xoogan, waxaana Somaliland dhankeeda ay kasoo jawaabtay hadalkii wasiir Axmed Macalin Fiqi, iyada oo sheegtay inuu ka xunyahay horumarka ay gaareen reer Somaliland iyo doorashooyinka guuleystay oo ay qabsadeen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa horay digniin ugu dirtay diblomaasiyiinta qaar, iyadoo uga digtay inay ku xadgudbaan madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. See less Siyaasiyiinta Somaliland ayaa sidoo kale ku dooday in Wasiir Fiqi uu quuri waayey inuu hambalyeeyo guulaha ay gaareen reer Somaliland

Taas bedelkeedna uu kiis ku soo oogay safiiradii Hargeysa u tegay inay taageeraan oo korjoogteeyaan doorashada siyaasiyiin kale oo u badan reer SSC Khaatumo iyo reer Muqdisho ayaa dhankooda Wasiir Fiqi ku amaanay doorkiisa firfircoon ee diblomaasiyadeed iyo sida uu uga jawaabay xadgudubkii safiirkaas uu kula kacay qaranimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed

Post a Comment

0 Comments