Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo deg-deg ugu baxay Kenya xilli ay kasii dareyso xiisadda A/Madoobe


jubaland iyo somali

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow safar deg-deg ah ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya safarka ra’iisul wasaare Xamza ayaa la xiriira arrinta xiisadda Jubbaland oo haatan mareysa meel xasaasi ah, sida ay sheegeen xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha

Safarkan ayaa imanaya xilli ay maxkamadda gobolka Banaadir

Safarkan ayaa imanaya xilli ay maxkamadda gobolka Banaadir u jartay Axmed Madoobe waaran soo qabasho, kadib markii golaha wasiirrada Soomaaliya ay garyaqaanka guud ee dowladda fareen inuu maxkamadda u gudbiyo dacwad ka dhan ah Axmed Madoobe

Axmed Madoobe ayaa loo haystaa faldambiyeedyo lid ku ah

Axmed Madoobe ayaa loo haystaa faldambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada qaranka Soomaaliya, taas oo macno ahaan noqoneysa “khiyaano qaran” sida ay sheegtay maxkamadda gobolka Banaadir sidoo kale waxaa qeyb ka ah eedeymaha loo haysto Axmed Madoobe faldambiyeed lid ku ah xof lala wadaago dal shisheeye

Ujeedo dagaal lid ku ah qaranka Soomaaliyeed, sidoo kalena uu ku kacay faldambiyeed lid ku ah nidaamka iyo dastuurka dalka, sida ay sheegtay maxkamadda xukuumadda Xamza ayaa si adag uga hortimid dib u doorashada Ahmed Madoobe iyo tan baarlamaanka 3-aad ee Jubbaland, iyado sheegtay in labaduba ay baal-marsan yihiin shuruucda dalka

Xiisadda ayaa kasii dareysa, iyadoo maamulka Axmed Madoobe uu soo saaray waaran soo qabasho iyo horkeenis maxkamadeed ah oo madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo ay uga jawaabeyso waarankii dowladda federaalka, wuxuuna khilaafka gaaray meeshii ugu sarreysay, kadib tallaabooyinka dheeriga oo ay ku jiraan isku adeegsiga ciidamo oo ay qaadeen labada dhinac

Post a Comment

0 Comments