Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay haddii doorashada layga guuleysto wan aqbalayaa


Doorashada jubaland

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta qaatay shahaadada musharaxnimada xilka madaxweynaha ee maamulkaasi ayaa ka hadlay rajadiisa doorashada 25-ka bishaan ka dhaceysa Kismaayo Axmed Madoobe oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in sababta uu mar kale isku sharraxay ay tahay inuu dhameystiro waxyaabaha u dhiman, sida uu hadalka u dhigay

Aadbaan ugu faraxsanahay inaan isku soo taago aniga

Aadbaan ugu faraxsanahay inaan isku soo taago aniga oo rabo inaan dhameystiro wixii aan ka tegay, waxaana gaarsiin doonaan meel fiican” ayuu yiri Axmed Madoobe Mar wax laga waydiiyay natiijada doorashada uu galayo, inkastoo aanu jirin tartan adag ayaa waxa uu ballan qaaday inuu aqbali doono natiijada, haddii laga guuleysto

Haddii layga guuleysto 100% ayaan aqbalayaa natiijada doorashada

Haddii layga guuleysto 100% ayaan aqbalayaa natiijada doorashada” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Jubbaland oo markiisii saddexaad u sharraxan xilkaasi hadalkan Axmed Madoobe ayaa loo arkaa inuu yahay ii dheh siyaasadeed uun, maadaama doorashada dhaceysa uu isagu gacantiisa ku maamulanayo

Isla markaana ay bannaanka ka joogaan inta badan xubnaha mucaaradka iyo xittaa dowladda federaalka Soomaaliya Ninkan oo mayal adag ayaa ku adkeysanaya go’aankiisa ah inuu galo doorasho dadban oo ay diidan tahay dowladda dhexe oo marar ay isku qabteen doorashooyinkii uu galay

Post a Comment

0 Comments