Kooxda alshabaab oo jab culus lagu gaarsiisay weerar ay kusoo qaadeen saldhigga ciidamada dowladda oo ku yaalla deegaanka Raas-qabow


Kooxda alshabaab

Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe

Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka la fashiliyay weerar toos ah oo ay Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda oo ku yaalla deegaanka Raas-qabow ee gobolkaasi weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ku sugnaa saldhigga iyo Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday

Waxaana ka dhashay khasaare xoogan lo wareedyo

Waxaana ka dhashay khasaare xoogan lo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa u sheegay in xubnaha Al-Shabaab jab culus lagu gaarsiiyay goobta, kadib markii ay jilibka u dhigteen ciidanka ku sugnaa saldhigga lagu dagaalamay oo la sheegay in ka feejignaayeen weerarka Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in maydad iyo dhaawacyo ay meesha uga carareen Al-Shabaab

Waxaana gacanta ku dhigay ciidamada dowladda Soomaaliya

Waxaana gacanta ku dhigay ciidamada dowladda Soomaaliya saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa la filayaa inay faah-faahin ka bixiyaan khasaaraha rasmiga ah, ayna soo bandhigaan maydadka iyo dhaawacyada laga qabtay Al-Shabaab xaaladda ayaa haatan ah mid deggan

Waxaana deegaanka lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Xoogga dalka oo weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada halkaas Shabeelaha Dhexe oo kamid ah gobollada lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab waxaa weli kasii socda guluf dagaal oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xooga dalka iyo kuwa Macawiisleyda

Post a Comment

0 Comments