Ciidamada dowladda somalia oo maanta la wareegay deegaano isku xira Baay iyo Bakool

Kooxda alshabaab

Wararka naga soo gaaraya Koonfur Galbeed Soomaaliya

 Wararka naga soo gaaraya Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ay howlgallo ka fuliyeen gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya ciidamada huwanta ayaa kooxda ka saaray deegaano muhiim ah oo isku xira labadaas gobol, kadib howlgallo culus oo ay ku qaadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab

Deegaanada ay qabsadeen ciidamada 

Deegaanada ay qabsadeen ciidamada ayaa kala hah Ceel Shariif, Mooro-busle iyo Ceel Mareere oo u dhexeeyo demada Bardaale iyo deegaana Goofgaduud-buurey Sidoo kale ciidamada ayaa cagta mariyay saldhigyo iyo xarumo kale oo lacago ku qaadi jireen Al-Shabaab oo ku yaalla deegaanada la xoreeyay

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sidoo kale khaarijiyeen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib dagaallo ay kula galeen halkaasi dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladd ayaaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaano dhaca gobollada Baay iyo Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya inta badan waxaa gobollada dalka ka socda guluf ka dhan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana iska kaashanaya Xoogga dalka, dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah

Post a Comment

0 Comments