Ciidanka kumandooska Danab oo khaarajiyeen horjoogayaal ka tirsan kooxda alshabaab

Kooxda alshabaab

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo

  Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ciidanka kumandooska Danab ay saqdii dhexe xalay ka fuliyeen gobolka Galgaduud howl-galkan oo si gaar ah ay ciidanka Danab uga fuliyeen deegaanka Gariile oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Waxay ku khaarajiyeen illaa 27 xubnood

Waxay ku khaarajiyeen illaa 27 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab howl-galka ayay ciidanka ku dileen 27 Khawaarijta ka tirsan kuwaasi oo isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad sida ay warbaahinta ciidamadda qalabka sida u sheegeen saraakiisha ciidanka xoogga dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda 

Howl-galkan ayaa imanay maalin un 

Howl-galkan ayaa imanay maalin un kadib markii ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuw deegaanka iyo saaxiibada caalamka ay howlgal cir iyo dhul ahaa ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Howl-galkaas ayey dowladda sheegtay in lagu dilay 50 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, halka sidoo kale cagta la mariyay xarumihii ay isku aruursanayeen maleeshiyaadka la laayay sidoo kale waxaa howl-galkaas lagu burburiyay gaari ay qaraxyo ku diyaariyeen Al-Shabaab, kaasi oo ahaa nooca Soomaalidu u taqaan Layla Calaawi

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay laba jibaartay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, xilli bilihii lasoo dhaafay uu ku yimid hoos u dhac

Post a Comment

0 Comments