Dowladda Somalia ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixisay Horjoogayaal iyo Shabaab badan oo maanta lagu dilay gobolka Mudug

Kooxda alshabaab

 Dowladda Federaalka Soomaaliya

 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixisay howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab oo maanta ka dhacay deegaanka Qaycad ee koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya howlgalka oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa waxaa lagu dilay horjoogayaal iyo xubno badan oo ka tirsan kooxda, sida lagu sheegay qoraalka

Horjoogayaasha la dilay waxaa kamid ah Maxamed Bashiir

Horjoogayaasha la dilay waxaa kamid ah Maxamed Bashiir Muuse oo Al-Shabaab ay ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobolka Mudug iyo Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha maleeshiyaad Khawaarijtu u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka gobolka Mudug

Sidoo kale waxaa la dhaawacay illaa 40 kale 

Sidoo kale waxaa la dhaawacay illaa 40 kale oo la geeyay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ilaa 30 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay tiro intaasi ka badana waa ku dhaawacmeen howlgal Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Qaycad ee Koofurta Gobalka Mudug.

Howlgalkaan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Horjoogayaal dhiigyo-cab ah iyo maleeshiyaad badan oo ay wateen, kadib markii la helay xogtooda, waxaana ka mid ah horjoogayaasha nafta la dhaafiyay horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo Khawaarijtu ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobalka Mudug

Horjooge Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha maleeshiyaad Khawaarijtu u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Gobalka Mudug in ka badan 40 Khawaarij ah oo dhaawacyo ay ka soo gaareen howlgalkaan aadka loo qorsheeyay ayaa la geeyey deegaanno ku dhow-dhow magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ay hadda u la’yihiin meel ay kula tacaalaan xaaladooda.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka sameeyeen Koofurta Gobalka Mudug ayaa gabi ahaanba waxaa lagu bur-buriyay Godad iyo Fariisimo muddo dheer Khawaarijtu isku qarinayeen

Post a Comment

0 Comments