Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh Wiil iyo Aabihiis oo si arxan darro ah loogu dilay hal goob

Wiil iyo Aabihiis

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya

 Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacday duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kadib markii hal goob lagu dilay wiil iyo aabihiis dilka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan u dhow caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, iyada oo lagu beegsaday qoys reer guuraa ah, oo ay weerareen maleeshiyaad hubeysan

Aabaha ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Cabdi Shire

Aabaha ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Cabdi Shire, waxaana rasaas ku furay maleeshiyaadka, iyada oo wiil yar oo uu dhalay uu dhaawac ahaan isna u geeriyooday Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in dilkan uu la xiriiro aano qabiil oo ka taagan hakaasi.

Maanta waxaa dhacay dil lagu fuliyay nin reer guuraa

Maanta waxaa dhacay dil lagu fuliyay nin reer guuraa ahaa oo ciddiisa soo rartay weerar ayaa lagu qaaday isagiina waa la dilay iyo wiil yar oo uu dhalay isna dhaawac ayuu u dhintay” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Meesha ay wax ka dhaceen waxaa la yiraahdaa Beer Xaadle, Dhuusamareeb ayay bari uga aadan tahay abaare waxay u jirtaa 40 KM” ayuu mar kale yiri.

Xaalada ayaa maanta kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aaga magaalada Dhuusamareeb oo ah halka uu dilku ka dhacay illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Galmudug iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howlgala deegaanka, kuna dhacdadaasi

Gobollada dhexe ayaa waxaa ku badan dhacdooyinka dilalka ee salka ku haya aanooyinka qabiil iyo dagaal beeleedyada oo saameyn ku yeeshay horumarka Galgaduud iyo Mudug

Post a Comment

0 Comments