Ciidanka dowladda somalia iyo Macawiisleyda oo maanta ku guuleystay qabashada degaan muhiim ah

Kooxda alshabaab

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay qaadeen howlgal wadajir ah oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa gobolkaas howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Ceeldheer, iyada oo jab culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in la wareegeen deegaanka Cali yabaal oo qiyaastii 18 KM u jira degmada Ceeldheer, halkaas oo ay muddo ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalkooda, isla markaana ujeedkooda uu yahay in bariga gobolka Galgaduud ay ka xoreeyaan Al-Shabaab

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Ceeldheer dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ayaa howlgallo sifeyn ah ka waday gobollada dhexe, kuwaas oo lagu xoreeyay deegaanno badan oo hoostaga maamulka Galmudug

Post a Comment

0 Comments