Wasiirka Gaashaandhiga oo si adag uga hadlay dhaliilo loo jeediyay dowladda Fedaraalka

Wasiirka Gaashaandhiga

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya

 Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa u jawaabay madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saaka weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka oo uu ku eedeeyay fashil siyaasadeed iyo mid ciidan intaba jaamac ayaa jawaabtiisa ku sheegay in laga haboonyahay in la siyaasadeeyo arrimaha ciidamada, wuxuuna sheegay inay tahay wax aan la aqbali karin

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Soomaaliyeed

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka Soomaaliyeed ay yihiin geesiyeyaal guul wayn ka keenay dagaal adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab Saaxiibada siyaasadeed ee siyaasadda dowladda dhaleeceynaya waxyaabo kale ayaa u furan inaan ka wada-hadalno, laakiin lama aqbali karo in Daawada cadeyga ay ka dhigtaan ciidankeena”, ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya

Sidoo kale wuxuu kusii daray

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Subax kasta ma rabno in askariga Soomaaliyeed ee jooga furinta laga mashquuliyo Facebook-ga iyo makarafoonada wasiirka gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay xubnaha mucaaradka inay niyad jabinta ka daayaan ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka, wuxuuna sheegay inay raadiyaan wax kale oo ay ku dhaliili karaan madaxda dalka

Waxaan soo jeedineynaa in aan la siyaasadeyn arrimaha ciidamada wiilkaas furinta joogo ma yaqaano mucaarad iyo muxaafad” ayuu mar kale yiri wasiirku Sheekh Shariif wuxuu saaka shirkiisa jaraa’id ku sheegay in hannaanka loola dagaalamayo Al-Shabaa uu khaldan yahay, isla markaana laga garan karo sida loo laayay ciidamada Xoogga dalka, sida uu hadalka u dhigay

Hannaanka loola diriraayo Al-Shabaab, haddii uu fiican yahay maxaa ciidamada usoo jabeen? mase la socotaa maanta ciidanka milatariga maanta hal guuto oo dagaalami karta in aysan ku jirin?” ayuu ku jawaabay madaxweyne hore Sheekh Shariif waxaa kale oo uu yiri “Wax badan oo aan rabin inaan halkan ku sheegin dartooda ma rabo inaan kusii socdo ciidanka waa khaldan yahay sida loo maamulay iyo sida loo hoggaamiyay waana sheegeynaa Shabaabna waa kasoo horjeednaa”.

Si kastaba, hadalkan ayaaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran

Post a Comment

0 Comments