Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka dagaal beeleed xoogan uu dib uga qarxay waqooyiga gobolkaasi

dagaal beeleed

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka

 Wararka ka imaanaya gobolka galgaduud ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in saaka dagaal beeleed xoogan uu dib uga qarxay waqooyiga gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi dagaalka oo illaa iyo hadda socda ayaa ka qarxay deegaan u dhexeeya magaalooyinka Caabduwaaq iyo Xeraale ee gobolkaasi waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid xoogan

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid xoogan, waxaana ku dhintay dad aad u badan oo isugu jiro labad dhinac iyo dad shacab ah Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen dhowr iyo toban kale, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah

Maleeshiyaadka dagaalamayaa ayaa sidoo kale haystay gaadiid dagaal

Maleeshiyaadka dagaalamayaa ayaa sidoo kale haystay gaadiid dagaal, waxayna dhinacyadu helayaan gurmad, taas oo uga sii dareysa xaaladda illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowlad goboleedka soomaaaliyeed ee Galmudug oo ku aadan dagaalka dib uga qarxay waqooyiga gobolka Galgaduud

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana saameynta ugu badan ay ku yeesheen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobollada dhexe waxaa sidoo kale dagaal beeleedyadan barbar socda dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay isku gaysanayaan beelaha dagaalamaya, taas oo iyana xaalad kale ka abuurtay gobolka

Post a Comment

0 Comments