Ninkii dilay Maama Khadiija oo maanta xukun adag lagu riday

Kooxda Alshabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida

 Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Ibraahim Aadan Maadey oo afgarashadiisu ay tahay Cabdiraxmaan, oo dil arxan daran ka geystay magaalada Muqdisho Ibraahim ayaa loo haystaa inuu nolosha dhaafiyay marxuumada Khadiijo Siyaad Maxamed oo uu kowdii bishii 1-aad ee sanadkan ku hor dilay gurigeeda oo ku yaalla waaxda Kacaan ee degmada Hodan

Ninkan ayaa kooxda Al-Shabaab kaga biiray degmadd Jillib

Ninkan ayaa kooxda Al-Shabaab kaga biiray degmadd Jillib ee gobolka Jubbada Dhexe, tababar gaaban oo dhinaca dilalka qorsheysan ah kadib waxaa loo soo diray in Muqdisho uu ka howl-gallo, gaar ahaan kooxda dilalka gaadmada ah fulisa waxa uu mushaar ahaan kaga qaadan jiray kooxda lacag lagu sheegay inay u dhaxeyso Todobaatan iyo ilaa Sagaashan dollarka Mareykanka ah, sida laga sheegay maxkamadda horteeda.

Ibraahim  Maadeey ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya 

Ibraahim  Maadeey ayaa isaga oo ka faa’iideysanayanaxariisteeda hooyanimmo waxa uu ku dagay inuu u baahan yahay biyo haaraad badanna u hayo, waxaase xigtay uu labo xabadood uu madaxa kaga dhuftay Marxuumad Maamo Khadiijo Siyaad Maxamed allaha u naxariistee maamada ayaa ka shaqeyneysay waaxda nadaafadda ee degmada Hodan, sida ay maxkamadda u sheegtay gabadheeda.

Baaris dheer kadib xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday kow iyo tobankii bishaan garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta Ku xukuntay Ibraahim Aadan Maadeey dil toogasho oo ah qisaastii Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Post a Comment

0 Comments