Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Somalia iyo kan Mareykanka oo ka shiray sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Kooxda alshabaab

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga

 Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan saacado badan qaatay oo ay gudaha dalka Kenya kula yeesheen Saraakiil sar sare oo ka socotay Wasaaradda Difaaaca dowladda Maraykanka kulanka oo ka dhacay magaalada Nairobi waxa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ku wehlinaayay

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdixakiin Maxamed Yuusuf iyo xubna kale kulanka ayaa ahaa mid labada dhinac ay uga wada arinsadeen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka wadashaqeynta ee ka dhaxeeya laba dowladood ee Soomaaliya iyo Mareykanka

Kulanka waxuu kusoo dhamaaday guul

Kulanka waxuu kusoo dhamaaday guul oo waxaan ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood iyo sidii loo kordhin lahaa taageerada ku aadan howlgalada dalka looga ciribtiraayo Shabaab oo wajigii sadaxaad loo diyaar garoobayo" ayuu yiri Wasiir ku xigeynka Difaaca Soomaaliya Cabdifatax Qaasim

Saraakiisha sar sare ee ka socotay Wasaarada Difaaca dalka Mareykanka ayaa balan qaaday iney sii laba laabayaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya ee ku aadan dhinacyada horumarinta iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments