Daacishta Somalia oo sheegtay inay weerar ku dishay Shabaabkii u badnaa

Daacishta Somalia

 Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya

Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa faah-faahin ka bixisay dagaallo ay bishii Ramadaan ay Al-Shabaab kula gashay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee maamulka Puntland daacish ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahannadeeda ay weeraro culus ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, ayna ka dileen in ka badan illaa 50 xubnood

Qoraal lagu shaaciyay majaladda caalamiga

Qoraal lagu shaaciyay majaladda caalamiga ah ee Al-Naba ee ka faaloota howlgallada Daacish, ayaa lagu sheegay in hwolgalkaas lagu jabiyay Al-Shabaab Sidoo kale majaladda ayaa qortay in kooxda Daacish ay la wareegtay deegaannada lagu dagaalamay oo ku yaalla  buuraleyda Cal Miskaad ee gobolka Bari ee Puntland

Waxaa kale warsaxaafadeedkan lagu sheegay in Al-Shabaab

Waxaa kale warsaxaafadeedkan lagu sheegay in Al-Shabaab hub iyo rasaas looga soo furtay weerarkaas ee ay guusha ka sheegatay kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya ciidamo ka tirsan kuwa khaliifada ayaa ku sugan mid ka mid ah goobaha ay maamulayeen maleyshiyaadka Shabaab, halkaas oo ay wadaan ololaha ka dhanka ah maleeshiyaatka Murtadiinta ah ee Shabaab.” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay kooxda Daacish

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladan ee ay Daacish sheegtay inay ku gaarsiisay khasaare culus, hubna ay uga soo furatay Al-Shabaab iyo Daacish ayaa marar badan ku dagaalamay deegaannada ay sida qarsoodiga ah ku joogaan ee buuraleyda gobolka Bari ee Puntland, Soomaaliya

Post a Comment

0 Comments