Yaa Qarxinaya Xarumaha iyo Shaqaalaha Shirkadda Hormuud ee magaalada Muqdisho?


Shirkadda Hormuud

Waxaa xalay fiidkii hore xilliga afurka la qarxiyey

Waxaa xalay fiidkii hore xilliga afurka la qarxiyey xarun ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ku taala agagaarka Daallo ee degmada Howlwadaag, ee magaalada Muqdisho qaraxaan oo sida la sheegay ahaa miino lagu aasay afaafka hore ee xarunta oo isugu jirta Laan iib oo macaamiisha shirkadda loogu adeego iyo BTS ayaa sida la xaqiijiyey geysan wax khasaaro nafeed ah, balse waxaa jira burbur xoogan oo gaaray dhismaha xarunta

Weerarkan  ayaa dhacay wax ka yar 24 saac kadib

Weerarkan  ayaa dhacay wax ka yar 24 saac kadib  qarax lala eegtay Box telephone oo ay leedahay shirkadda Hormuud oo ku yiilay tabeelaha Sheekh Ibraahim ilaaa hada Lama oga sababta loo beegsaday xaruntaan oo ay dadka dagankaas si wayn ugu tiirsanaayeen adeegyada ay bixiso qaraxaan ayaa yimid xili 10 maalmood ka hor qarax weyn oo nooca miinada dhulka lagu aaso ah duleedka Muqdisho lagula eegtay gaari ay lahayd Shirkadda Hormuud kaasoo sababay dhimashada Axmed Cumar cabdulle oo ka tirsanaa Shaqaalaha Shirkadda

Waxaa xusid mudan in bishii November ee sanadkii hore

Waxaa xusid mudan in bishii November ee sanadkii hore qaraxyo is xigxigey lala beegsaday qaar ka mid ah laamaha shirkaddu ku leedahay Xero-Jarmal {Xarutii Tababarka Farsamada Gacanta} ee Degmada Dayniile & BTS-kii degaanka Muusaaley ee Ceelasha biyaha lama oga sababta loo beegsanaayo gawaarida iyo laamaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud, mana jirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyadda qaraxyadan

Laamaha amaanka DF iyo maamulka shirkadda Hormuud ayaan ka hadlin illaa hadda qaraxyada iyo dilalka ku socda shaqaalaha shirkada Hormuud oo ah mida ugu weyn dhinaca Isgaarsiinta Somalia xiriirka Alshabaab iyo Hormuud ayaa la sheegay inuu xumaaday muddooyinkii ugu danbeeyay, balse waxaa la xaqiijiyay inaysan Alshabaab wax lug ah ku lahayn qaraxyada xilligan lagu beegsanayo shirkadda, sida laga soo xigtay xubno ka mida.

Dhinaca kale halka Daacishta Soomaaliya ee xarunteedu tahay Buuraha Golis ee Gobolka Bari, Puntland oo hore olole midkan la mida la gashay Hormuud ayaa la tuhunsan yahay balse waxaa shaki badan dhaliyay falalka qaraxyada isdaba joogga ah oo kooxdaasi aanay awood hore u lahayn shirkadda Hormuud ayaan sheegin cidda beegsaneysa mana jiro cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada iyadoo dhinaca hay’adaha Amniga aysan wax tallaabo ah ka qaadin falalkan

Post a Comment

0 Comments