Shabaabkii ugu badnaa oo lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho xilli ay isku aruursanayay halkaasi

Kooxda alshabaab

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay

 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay howl-gal culus oo maanta ka dhacay deegaanno dhaca degmada Afgooye, kaasi oo lagu dilay Shabaab badan oo isku aruursanayay halkaasi in ka badan 30 Shabaab ah ayaa lagu dilay howl-galkan oo ay iska kaashadeen ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo si gaar ah uga dhacay deegaannada Baqdaad iyo Baldooska oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose

Howl-galkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidanka dowladda

Howl-galkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidanka dowladda ay heleen xogta maleeshiyaad Shabaab ah oo isku aruursanayay deegaannadaasi, kuwaasi oo waday abaabul ay ku dhakrayaan shacabka Soomaaliyeed Howl-galka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24-Khawaarij ah, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad. Sidoo kale dhagar qabayaal kale oo ku dhaawacmay howl-galladan ayay Shabaabku geeyeen deegaannada Farsoolay iyo Buulo Fulay

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahad-celinaysaa

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahad-celinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan garabna istaagaan ciidanka qalabka aida,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, ciidanka qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa maalmihii ugu dambeeyay Al-Shabaab ka sifeeyay deegaanno dhowr ah oo ku yaala dhanka xeebta Muqdisho ilaa iyo magaalada Marka iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Sh/Hoose, oo xubnaha kooxda dooneysay inay si dhuumaalaysi ah u soo galaan

Howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay ayaa u muuqda in toddobaadyadii u dambeeyay la dardar-gelinayo, iyada oo kooxda ay dib u qabsatay deegaano horey looga saaray kadib markii ciidanka ay iskaga baxeen

Post a Comment

0 Comments